Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug. Maslax Macalin Cali, xogaha degmada Xarardheere oo la hadlay warbaahinta Mustaqbal ayaa xaqiijiyay dagaalka maanta ka dhacay gudaha magaaladaasi in uu ka dhashay khasaare kale duwan. Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ilaalo qaran iyo ciidamo deegaanka ah oo ku wada sugan magaalada. Xoghaye Maslax ayaa sheegay in dagaalka uu ku geeriyooday hal ruux oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay askari kamid ah kuwii dagaalamay. Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay in la xiray dhammaan askartii…
Dowladda Brazil ayaa sheegtay in ay baareyso shilka Diyaarad kuwa rakaabka qaada ah oo ay la socdeen in ka badan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in Jimcihi shalay ay ku burburtay magaalada Sao Paulo ee dalka Brazil. Shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday 61 qof, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda iyo shirkadda diyaaradda leh. Diyaaradda Voepass ee maxalli ah, ATR 72-matoorka mataanaha ah ee turboprop, ayaa ku wajahneyd garoonka caalamiga ah ee Sao Paulo oo ay la socdaan 58 rakaab ah iyo afar shaqaale ah markii ay dhacday Jimcihii. Waxaa goobta gaaray saraakiisha baarista, kuwaas oo ogaanayo sababta keentay shilkaan diyaaradda.…
Dab geystay inta la xaqiijiyay Khasaara maaliyadeed ayaa ka kacay Suuqa Degmada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, waxaa socda dedaal lagu daminayo Dabkaas si uusan ugu gudbin goobaha kale ee ku dhow Dhismaha gubanaya. Si dhab ah looma ogaan waxa uu ka dhashay Dabkaan, keliya waxaa hadda socda dedaalka lagu daminayo si looga hortago khasaare ka badan kan uu hadda sababay sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan oo Jowhar ku sugan. Dad u badan Ganacsatada Suuqa iyo kuwa degen agagaarka Suuqaas ayaa sameeyay isku day xooggan oo ay ku daminayaan Dabkaan, waxa ay adeegsanayaan Biyo iyo Carro si ay…
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay weli xiiseyneyso saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Carney Chukwuemeka. Madaxweynaha Joan Laporta iyo madaxa La Liga Javier Tebas ayaa labaduba dhawaan muujiyay in kooxda Catalan ay ku jirto xaalad dhaqaale oo aad uga caafimaad badan sidii ay ahaan jirtay xilliyadii dhawaa. Taas ayaa la xaqiijiyay Jimcihii markii ay lacag 55 milyan kula soo wareegtay xiddiga Dani Olmo oo ay kala soo wareegtay RB Leipzig. Sida laga soo xigtay Sport, Chukwuemeka ayaa noqday bartilmaameedka 1-aad ee kooxda Barcelona. Madaxda Barcelona ayaa la sheegay inay la dhacsan yihiin xiddiga waxana ay doonayaan in la soo…
Man United ayaa laga qaaday koobka Community Shield kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Man City. Man United ayaa guuldaro rikoodhayaal ah kala kulantay kooxda ay jaarka yihiin ee Man City. Kadib guuldaradan Man United ayaa rikoodh xun ka dhigtay taariikhda tartanka Community Shield. Waa markii 10-aad ee Man United laga qaado tartanka Koobka Community Shield taariikhda. Sidaas darteed waa kooxdii ugu horaysay ee taariikhda tartanka Community Shield kaalinta 2-aad ka gasha tartanka ama laga qaado koobka.
Xiddiga kooxda Man United ee Alejandro Garnacho ayaa boodhka ka jafay rikoodh uu horay u dhigay Halyeeyga premier League Cesc Fàbregas. Alejandro Garnacho Ayaa dhaliyay goolka kooxdiisa ka dhalisay kulanka kadib markii uu farsamo cajiib ah ku dhaafay daafac Man City. Kadib goolka xiddiga reer Argentine ayaa bar-bareeyay rikoodh uu dhigay Fabregas. Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee dhaliya gool kulanka Community Shield-ka tan ilaa Cesc Fabregas oo sidaas sameeyay sanadkii 2005. Sidoo kale waa xiddigii ugu da’da yaraa ee Man United gool u dhaliyay kulanka tan ilaa George Best sanadkii 1965.
Kooxda Man City ayaa garaacday Man United kuna guulaystay tartanka Community Shield-ka kadib kulan lagu kala badiyay rikoodhayaal. Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood isku awood ahaayeen. Man United ayaa si fiican u difaacatay waxana ay Man City u diiday in ay goolkeeda si dhib yar ku gaadho. Kooxda Pep Guardiola ayaa ku fashilantay in ay soo taabato ama tijaabiso Goolka Man United ilaa daqiiqadii 87-aad. Man United ayaa dhinceeda ciyaaraysay ciyaar orod ah iyaga oo qaadayay weeraro rogaal celis ah. Kooxda Erik Ten Hag ayaa heshay fursado cajiib ah oo uu ka mid ahaa fursad uu…
Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah afar maxbuus oo katirsanaa kooxda Al shabaab horeyna xukunno dil ah loogu riday, kuwaa oo dhawaan ka baxday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo . Booliiska Puntland oo helay xogta Barkhad Cawil Xirsi oo kamid ahaa maxaabiistii ka baxsatay xabsiga magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay , waxa ayna booliiska ninkan lasoo qabtay ku xireen xabsi si gaar ah loo ilaaliyo. ” Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo kafakaday xabsiga Galkacyo, kuwaas oo ahaa danbiilayaal dil sugayaal ah kana tirsanaa…
Dad ka badan 100 qof ayaa ku dhintay duqayn cirka ah oo ay Israa’iil saaka waaberigii ku qaaday meel gabbaad ah oo ku taal iskuul ku yaalla magaalada Gaza. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobtaas sabtidii, iyagoo ku tilmaamay bartilmaameedkooda xarun taliska Xamaas oo ku dhex taal iskuulka. Sida laga soo xigtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza, duqaynta ka dhacday degmada Daraj waxaa ku dhintay ugu yaraan 103 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen. “Dhimashadu waxay hadda u dhaxaysaa 100 ilaa 110, waxana jira tobanaan kale oo dhaawacyo ah halis qaba,” ayuu afhayeenka wakaaladda Mahmud Bassal…
Ugu yaraan 70 askari oo ka socday Israaiil iyo Maraykanka ayaa lagu dilay dalka Yemen, halkaasoo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay inay howlgalo qarsoodi ah ka fuliyaan degaanada Xuutiyiinta. Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo Israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday sida ay baahisay wakaalada wararka AFP. Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa ka dusay meelo cidlo ah oo ka tirsan xeebaha dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed…