Author: radiohalgan.com

Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, sida ay ogaatay warbaahinta. Illo wareedyo ka tirsan howl-wadeennada garoonka ayaa Warbaahinta sheegay in Wariye Jamaal Cismaan la xiray kadib markii uu kasoo degay garoonka, ayna u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa. Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayuu Sirdoonka Puntland wax ka weydiinayaan ujeedka booqashadiisa deegaanada maamulkaasi. Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid,…

Read More

Golaha Wakiillada maamulka Somaliland ayaa maanta ansixiyey xeerka doorashooyinka, kaas oo muran badan dhaliyay habraacii loo maray, sababtay in ay dib u dhacdo doorashada Xisbiyada iyo tan Madaxtooyada. Kalfadhigii 16aad kulankiisii 7aad, ee Golaha Wakiiladda Somaliland uuna shirgudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon, ayaa mudanaayshu Cod aqlabiyadda ku ansixiyeen Xeerarka Dooroshooyinka isku sidkan. Gollaha oo ay ka soo xaadireen 73 xildhibaan ayaa xeer Lr.14 waxa sidii guurtidu ugu soo codaysay ku ogolaaday 59 xildhibaan, halka Xeer lr. 91 sidii guurtidu ugu soo codaysay ay goluhuna ku ogolaadeen 58 xildhibaan. Ansixinta xeerka doorashada ayaa guul ku tilmaamay xildhibaan…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay falkii shalay lagula kacay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Warsame ku cambaareeyay falkii ay sameeyeen ciidamada Itoobiya isaga oo ku billaabay, “Waxaan canbaareynayaa falka gurracan ee curfiga diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa. “ Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga, “Dawladda Itoobiya waxay ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto habmaamuuska iyo…

Read More

Cidanka ammaanka Itoobiya ayaa is hortaag ku sameeyay Madaxweynaha Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafidigiisa xilli uu u socday hoolka uu ka dhacayey shirka Midowga Afrika. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kula hadlay warbaahinta xaruunta Midowga Afrika ayaa falka ay ku kaceen ciidanka Itoobiyaku tilmaamay xadgudub. Madaxweyne Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Saaka markii aan isku diyaariyey in aan imaado kulanka albaabadu u xiran yihiin ee shir madaxeedka, ciidanka ammaanka ee Itoobiya ayaa is hortaagay halkii aan mari lahaa. Waxa ay ii diideen in aan Hoteelka ka soo baxo, oo aan gaadiidkeyga ku aado halka uu…

Read More

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Nabadda ee Qaramada Midoobay Jean Pierre Lacroix, iyagoo kawada hadlay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya Iyo guud ahaan geeska Africa. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac waxaa kulanka kala qayb galay Danjiraha JFS ee Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa, La taliyaha Amniga Ra’iisal Wasaaraha XFS Kamaal Daahir Guutaale iyo Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Maxamed Amiin Sheikh. Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo weftigiisa ayaa shalay ka qeyb galay kalfadhiga 37-aad ee shir madaxeedka Midowga Afrika, isagoo…

Read More

Dibadbax xooggan oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israaiil ayaa gilgilay Magaalada Tel Aviv kaddib markii Dadka isusoobaxa dhigaya ay sheegeen in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay ka dhega-furaysatay baaqda nabadda ah ee loo diray. Dadka ugu badan ee Dibadbaxa wada waa ehelka xubnaha maxaabiista ah ee Xamaas u xiran laga soo billaabo 7dii Oktoobar 2023 waxaana ay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin nolosha xubnahaas ehelkooda ah. Waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Benjamin Netanyahu iyaga oo sidoo kale watay boorar lagu soo hardhay sawirka Ra’iisul Wasaaraha Israaiil oo lagu soo dhexdaray erayada ay ku tilmaamayaan in uu…

Read More

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay arrimaha ku geedaaman shirkii uu madaxweyne Xasan Sheekh maanta uga qeyb galay magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya ay isku dayday inay ka baajiso madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay. Agaasimaha warfaafinta ee xafiiska madaxweynaha Cabdulqaadir Dige ayaa goordhow qabtay shir jaraa’id oo arrimahaas uu ku faahfaahiyey, isagoo sheegay in madaxweynaha ay u suurta-gashay in si wanaagsan uu u gudbiyo khudbadiisa uu madaxda Afrika ugu sharaxay xadgudubka Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya. “Madaxweyneaha ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhiga loo dhan yahay ee Midowga Afrika wuxuu ka sheegay…

Read More

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii  ay isku dayday inay ka baajiso shirkii Midowga Afrika iyadoo u dhigtay caqabado badan, balse uu ka gudbay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu horreyn cambaareeyay xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay wafdiga uu hoggaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku boggaadiyay sida uu uga jawaabay falkaasi, wuxuu sidoo kale u mahadceliyay madaxweynaha Jabuuti oo garab istaagay Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa dhanka kale xusay in Abiy Axmed uu weerar ku yahay dadka Soomaaliyeed, isla markaana uu…

Read More

Siihayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin bixiyey caqabado uu maanta wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh kala kulmay dowladda Itoobiya, intii uu ku howlanaa ka qeyb galka shirka madaxda Midowga Afrika. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay madaxweynaha ku xujeysay in ciidankiisa laga reebo, iyagoo sheegay inay ku darayaan askar Itoobiyaan ah oo amnigiisa sugeysa, kuwaas oo geynaya howlka shirka lahu qabtay. Xasan Sheekh ayaa diiday in ciidankiisa laga reebo oo askar Itoobiyaan ah uu raaco, iskuna aamino, wasiir Cali Balcad wuxuu sheegay in go’aanka Itoobiya uu ahaa in madaxweynaha Soomaaliya laga baajiyo shirka. Markii ay…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u jooga Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay ugana mahadceliyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia garab istaagga iyo taageerada ay u muujiyeen DFS oo ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026. Kulankan waxaa Madaxweynaha JFS kala qayb galay qaar…

Read More