Author: radiohalgan.com

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay si sharci darro ah ku soo galeen xuduudka ay wadaagaan, taasi oo keentay in ay iska hor yimaadaan ciidamada ammaanka ee deegaanka. Ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Illaa 5,000-7,000 oo askari oo kale oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan dhowr gobol, ayaga oo ku jooga heshiis ka baxsan ATMIS. Si kastaba, cutubyo…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa mar kale diginin xooggan ka bixisay heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, waxayna taageero u muujisay madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Heshiiska oo la saxiixay horraantii Janaayo 2024, ayey Somaliland ugu ogolaatay dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed, ayada oo dhaafsaneysa aqoonsi ay sheegtay inay ka heleyso Addis-Ababa, kaasi oo weli aysan xaqiijin Itoobiya. Ku-simaha danjiraha Mareykanka ee Qaramada Madoobe Robert Wood ayaa mar kale ku celiyey sida Mareykanka uga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay heshiiskaas ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Saaxiibayaal, Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan…

Read More

Aas-aasaha website-ka WikiLeaks, Julian Assange ayaa lagu wadaa in todobaadkaan uu qirto inuu danbi galay kuna xad-gudbay sharciga basaasnimada Mareykanka, qirashadaas oo uu ku baddalanayo in laga sii daayo xabsiga uu ku xiran yahay ee dalka Ingiriiska, kadibna dib loogu celin doono dalka uu u dhashay ee Australia. Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa dukimintiyo ay shalay u gudbiyeen maxkamadda ku sheegay in Assange oo 52 jir ah uu ogolaaday in uu qirto dambiga kaliya ee lagu soo oogay oo ah in uu maleegayay in uu helo oo uu shaaciyo dukumeentiyada difaaca qaranka Mareykanka ee sirta ah. Maxkamadeyntiisa ayaa aroornimada hore ee…

Read More

Iskuduwaha Caafimaadka gobolka Hiiraan mudane Xasan Axmed Barqadle, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socotay Hay’adda Save The Children, ayaa daah-furay imtixaanka qaadashada shaqaalaha caafimaadka ee mashruuca Damal Caafimaad ee ka howlgeli doona degmada Beledweyne. Imtixaanka ayaa lagu xaqiijiyaa in shaqaalaha la qaadanayo ay u qalmaan jagooyinka loo qaadanayo.

Read More

Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya. Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay. Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ninkan ayaa la sheegay inuu u adkeysan waayey xaaladda adag ee soo wajahday kooxda iyo sidoo kale gulufka ka dhanka ah, ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Isxaaq Sheekh…

Read More

Nin dhallinyaro ah ayaa caawa magaalada Muqdisho ka geystay dil argagax leh ka dib markii uu nafta dhaafiyey hooyadiis iyo abtigiis oo dhinaca kale ah walaalkeed. Dilkan ayaa ka dhacay guri ku yaallla xaafada Warlaliska oo ka tirsan degmada Dayniile sida ay wararku nagu soo gaarayaan. Ciidamada ammaanka saldhiga degmada Dayniile ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka geystay oo haatan loo taxaabay xabsiga. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka dilkan geystay madaxa looga jiray. Dhacdadan oo dadka degaanku si weyn uga argagaxeen ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa degmada dayniile iyo nawaaxigeeda.

Read More

Deegaano badan oo dhulka Soomaalida waxaa ku soo badanaya dagaallada u dhaxeeya beelaha ee dhalinaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca leh, kuwaas oo ay ka sii farcamaan dilalka dadka nugul ee an waxba galabsan ee la bartilmaameedsanayo. Dilka dadka ay Soomaalidu u taqaan Biri-mageydada ayaa ku soo badanaya deegaano ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo falcelin ballaaran ay dadku ka sameeyeen. Xilliyadii dirirta oo falal kuwan la mid ah ay ka dhici jireen gayiga Soomaalida waxaa jiray xeerar dagaal, xurmo dhaqan iyo ilaalinta dadka biri-ma gaydada ah, kuwaas oo ka caaganaa dilka iyo beegsigaba sida uu BBCda u sheegay…

Read More

Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa Kamarado lagu ogaanayo xayawaanka duur-joogta ku xirtay deegaanno ku yaala Waqooyiga Hargeysa, si loola socdo dhaqdhaqaaqooda iyo noocyadooda. Tallaabadan oo qayb ka noqonaysa qorshe Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu ku ururinaysay muddooyinkii u dambeeyey boqolaal xayawaanno duur-joog ah oo meelo kala duwan laga soo ururiyey, qaarkoodna la qabtay iyaga oo dibedda loo dhoofinayo, kuwaas oo ay ku xaraysay xarumo ay ugu talo gashay in lagu xanaaneeyo. “Xayawaanka ku jira xarumahan waxaa ka mid ah Garnuugta, Deerada, Cawsha, Harmacadka, Gaduudanaha, Shabeelka iyo bisadaha qaar, aad ayay u badan yihiin oo haramcadka oo…

Read More

Ruushka ayaa ku eedeeyey Maraykanka inuu lahaa gantaalladii Ukraine ay u adeegsatay weerar lagu qaaday magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea ee la haysto, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo labo ay carruur yihiin halka ugu yaraan 150 kalane dhaawac ka soo gaaray sida saraakiisha Ruushku sheegeen. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaallada ay adeegsatay Ukraine ay ahaayeen gantaallada ATACMS ee uu Maraykanku u keenay dalkaas, waxayna ku andacootay in gantaalladaas ay diyaariyeen khubaro Maraykan ah. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa weerarka ku tilmaamay mid waxashnimo ah, wuxuuna Mareykanka ku eedeeyay in uu “dilay caruur…

Read More