Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo suxufiyiin kula hadlayey Addis Ababa ayaa sheegay in Itoobiya ay qiil u samaynayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland isagoo ku eedeeyey Itoobiya “ inay doonayso inay qaadato dhul Soomaaliyeed” Wuxuu intaa ku daray madaxweynaha Soomaaliya “in wakhtigan ay saraakiil sare ku sugan yihiin Somaliland kuwaas oo wada diyaar garów ay halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda. Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Cali Maxamed Xasan ‘Cali Mareexaan’ ayaa BBC-da u sheegay ‘in Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafayba ay…
Sida ay qortay warbaahinta Masar iyo qaar kamid ah wakaaladaha warar ee dunida, sanadkii 1995 tii, madaxweynihii hoe ee Masar Xusni Mubarak ayaa ka badbaaday iskuday dil isaga ku sugna gudaha caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Koox hubaysan ayaa wadada u galay waxayna rasaas ku fureen kolonyadii galbineysay, xilli uu u sii socday xarunta uu ka dhacayay shirka madaxda Afrika ee ka qayb galayay kulan ay Midowga Afrika lahaayeen. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah falka ayaa ka dhacay meel u dhaw safaaradda Falastiin, oo aan sidaasna uga fogayn garoonka diyaaradaha. Wuxuu ku bilowday laba gaari oo wada halmar ku…
Shir madaxeedkii khudbadda ka jeediyey, kana soo tegay Madaxweyne Xasan Sheekh ee Midowga Afrika ayaa galabta lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. War-saxaafadeedkii laga soo saaray gabagabada shirka waxaa nuqul ka mid ah looga hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo gaaray meel xasaasi ah. Madaxda Midowga Afrika ayaa bayaankaan ku sheegay inay aad uga walaacsan yihiin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhashay saxiixii Muuse Biixi ee badda Soomaaliya ay ku soo damaacisay Itoobiya. “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, kadib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex…
Sida ay qabaan culimada caafimaadka, saddex arrimood ayaa ugu badan, kuwaasoo loogu baahdo in jirka qofka dhintay lagu ilaaliyo talaagad ama qaboojiyaha maydka sida uu BBC-da u sheegay Dr Cismaan Cali Gaboowe oo ka howlgala isbitaalka Kenyatta ee Magaalada Nairobi. Arrinta ugu weyn ee maydka loogu hayo qaboojiyaha ayaa ah in la baaro sababta dhimashada, ayadoo sharcigu doonayo caddayn caafimaad, waana in la kaydiyo si looga qaado hidde side si ehelkiisa lagu baadi goobo iyo in xarumaha waaweyn ee caafimaadka ama jaamacaduhu u adeegsadaan qaab caafimaad. Soomaaliya oo inta badan si maalinle ah ay uga dhacaan falalka dilalka ayaa waayadii…
Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Barcelona ee Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday qaabkii uu ugu dhawaaday in uu ku biiro Real Madrid. Sidoo kale Suarez ayaa shaaciyay in ay Real Madrid doonaysay in ay Benzema ka iibiso kooxda Arsenal isla wakhtigaas. “Kahor Koobkii Adduunka 2014, Real Madrid waxay dooneysay inay ila soo wareegto, wax walbana waa la dhameeyay”ayuu yidhi. “Waxay qorsheynayeen inay Benzema ka iibiyaan Arsenal, wax walba waa la sameeyay. Markii uu billowday koobkii adduunka, Barca ayaa ku biirtay tartanka [si ay aniga ila soo wareegto].” “Sida iska cad waxaan doorbiday Barca. sabab la xidhiidha qaniinyadii aan…
Gool caawinta ayaa wakhtigan xaadirka ah ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan kubada cagta adduunka. Waxa jira xiddigo in ay gool dhaliyaan ka jecel in ay sameeyaan caawin oo ay xiddig kale ka caawiyaan in uu gool dhaliyo. Xilli ciyaareedkan waxa jira xiddigo badan oo sameeyay gool caawin 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub. Hadaba waxa shax laga sameeyay xiddigaha sameeyay Caawinta ugu badan ilaa haatan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub. Xiddiga garabka uga ciyaara Leverkusen ee Wirtz ayaa ah xiddiga sameeyay caawinta ugu badan isaga oo caawiyay 15 gool. Waxa ku xiga xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo…
Warbaahinta Ingiriiska ayaa daaha ka qaaday arrimo cusub oo ku saabsan dhaawaca Diogo Jota. weeraryahanka Liverpool iyo xulka qaranka Portugal. Jota ayaa shalay dhaawac ka soo gaaray kulankii Liverpool ee ay la ciyaareen Brentford, ciyaartii ku dhamaatay 4/1 kulan ka tirsanaa horyaalka premier League. Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 1-aad ee kala saraynta horyaalka Ingiriiska iyada oo leh 57 dhibcood. Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in Diogo Jota uu shalay maray baaritaan caafimaad kadib markii uu dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii Brentford. Waxay intaa ku dartay inay jirto cabsi laga qabo in Diogo Jota uu dhaawac…
Tababaraha Kooxda chelsea ee Pochettino ayaa fariin u diray kooxda Liverpool ka hor final-ka tartanka Caraboa cup-ka. Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa Axada dambe ku balansan Wembley kulan ka tirsan final-ka tartanka FA Cup-ka. “Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan jeclahay sida aan u dagaalanno”. “Waxaan u baahanahay inaan dareemo inay suurtogal tahay inaan ka badin karno Liverpool finalka koobka”. “Waxaan dooneynaa inaan la ciyaarno kooxda labaad ee ugu fiican adduunka. Waxaan aaminsanahay in kalsoonidu tahay waxa ugu muhiimsan.” Kooxda Chelsea ayaa kulanka galaysa iyaga oo bar-baro ku qabtay kooxda Man City oo difaacanaysa tartanka premier League.
Kooxaha Liverpool iyo chelsea ayaa isaga hor iman doona kulanka final-ka tartanka Carabao cup-ka maalinta Axada. Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya sidii ay ugu guulaysan lahaayeen tartanka Carabao cup-ka. Laakiin labada kooxood ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo iyaga oo ay ka maqan doonaan xiddigo muhiim ah kulanka. Qaar ka mid ah xiddigaha shaxdan ku jira ayuu shaki ku jiraa in ay taam u noqon doonaan kulanka kadib dhaawacyo soo gaadhay. Xiddigaha Dominik Szoboszla, Alisson Becker iyo Trent Alexander-Arnold ayaa shaxda Liverpool la filayaa in ay ka maqnaadaan. Dhanka kale Reece James, Benoit Badiashile & Marc…
Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh ka gaadhay kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan hoyaalka La Liga. Kulanka ayaa ahaa mid ay Los Blancos si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta badiyaan. Daqiiqadii 3-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Joselu kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0. Kooxda Rayo Vallecano ayaa bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha ay doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan. Vallecano ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana rikoodhe gool u badalay xiddiga Raul de Tomas kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1. Waxa ay…
