Author: radiohalgan.com

Madaxtooyada Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo saartay ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay dowladda iyo shacabka Eritrea oo maanta u dabaaldagaya sanad guuradooda 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen. Bayaan ay soo saartay Villa Soomaaliya oo lasoo dhigay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay farxadda la qaybsaneyso Eritrea oo xuseyso sanad guurada 33-aad. “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa salaan kal iyo laab ah u diray dowladda iyo Eritrea, munaasabadda sanad guurada 33-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya. Sidoo kale xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay…

Read More

Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland waxaa maanta oo Sabti ah ka billowday Imtixaan sanadeedka Dugsiyada Dhexe iyo Sare 2023/2024 iyada oo Ardaydu ku galayaan goobo gaar ah oo Dowlad-Goboleedkaas u diyaariyay. Tirada Ardayda Sanadkaan u fadhiisatay Imtixaanka fasallada 8aad ee Dugsiga Dhexe iyo 12aad ee Dugsiga Sare wadartooda guud waa 21,801 ruux (Labaatan & koow kun, siddeed boqol iyo koow) sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Dowlad-Goboleedka Puntland. Waxaa la fasaxay Ardayda Jaamacadaha ka dhigata Deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland maadaama goobihii ay wax ku baranayeen ay Imtixaanku ku galayaan Ardaydaan shahaadiga ah sida ay hadalka u dhigtay Wasaaradda Waxbarashada Puntland. Ardayda u fadhisa…

Read More

Qaramada Midoobay oo warbixin kasoo saartay daadadka ka dhashay roobka mahiigaanka ah iyo fatahaadaha Webiyada in ay saamayn taban ku reebeen Dalalka dhaca Bariga Qaaradda Afrika iyada oo diiwaanka lagu soo daray dad ku dhintay. Bayaanka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Dadka daadadku saameeyeen ay kor u dhaafayaan 1.6 Milyan oo ruux halka dhimashada inta la diiwaangeliyay ay gaarayso 473 ruux waxxaana guryahooda isaga barakacay 410,350 qof. Dalalka magacyadooda kusoo baxay liiskaan ayaa kala ah: Burundi, Ethiopia, Kenya, Somalia, Uganda & Tanzania inkasta oo saamayntu ay ku kala badan yihiin maadaama roobka uu ku kala xoogganayaa Dalalkaan sida hadalka…

Read More

Bruno Fernandes ayaa ka bixiyay  Manchester United Ka Hor habeenka finalka FA Cupka isagoo si xaqiiqo ah u sheegay inuu ka tagi karo ‘ma doonayo inaan baxo’. Xiddiga ayaa ka mid ah Xiddigaha ugu Fiican kooxda xilli ciyaareedkii dhamaaday waxana uu muujiyay tayadiisa. Fernandes ayaa kooxda kula jira heshiis laakiin waxa uu shaki ku jiraa Mustaqbalka todobaadyadii ugu dambeeyay. “Kaliya waxaan rabaa in hamigaygu  ku haboonaato hamiga kooxda. Haddii aad la hadasho taageere kasta, waxay kuu sheegi doonaan wax la mid ah. Waxaan rabnaa inaan u tartanno horyaalka. Waxaan dooneynaa inaan ciyaareyno kubada cagta Champions League”. Waxa aan rabaa In…

Read More

Kooxaha Man City iyo man United Ayaa isaga Hor iman doona Final FA Cup-ka maalinta sabtida kuna beegan 25 may. Labada Kooxood ayaa kulanka Soo galaya iyaga oo Isha Ku Haya in ay badiyaan kulanka. Man City ayaa Isha Ku Haysa Koobkii 2-aad ee xilli ciyaareedkan iyo in ay sii wado ku guulaysiga koobkan. Dhinaca kale Man United Ayaa kulanka Soo galaysa iyada Oo doonaysa in ay ka baxdo abaarta koob la’aanta Kuna guulaysto Fa Cup-ka. Sidoo kale kulanka ayaa Man United u ah wadadii tartamada yurub maadama ay ku dhamaystay kaalinta 8-aad isla markaas ay bilaa tartamada yurub noqon…

Read More

Andre Onana ayaa ku taageeray Marcus Rashford in uu dilo Man City kulanka Final-ka FA Cup-ka ee Sabtida. Rashford ayaa ku jira qaab ciyaareed Liita xilli ciyaareedkan waxana uu isku dayi doonaa in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo xidho xilli ciyaareedka. Onana ayaa sheeay in uu Rashford dhalin karo goolal kulanka Final-ka tartanka FA Cup-ka. “Immisa gool ayuu dhaliyay Marcus Rashford xilli ciyaareedkii hore? Imisa gool ayuu dhaliyay xilli ciyaareedkan? Waxaan ka hadlaynaa isla ciyaaryahan isku mid ah”Ayuu Onana yidhi. Sidaas darteed xilli ciyaareedkii hore waxa uu ahaa ciyaartoy fiican xilli ciyaareedkana waa mid xun? uma malaynayo sababta…

Read More

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda. Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada. hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa. Kooxda Newcastle ayaa u sheegtay Arsenal in ay bixiso lacag dhan 200 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga  Alexander Isak (Mirror). Erik Ten Hag ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man United kadib final-ka FA Cup-ka (Telegraph). Thomas Tuchel ayaa ugu cad-cad in uu…

Read More

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimashada ugu yaraan 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo dhammaan ah dhinacyadii dagaalamay. Dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ayaa weerar ku qaaday mid kamid ah xeryaha ciidamada Dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaana ilaa haatan socda howlgal ay wadaan ciidamadaas iskaashanaya. Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in weerarka ‘AS’ uu ahaa mid ‘Arbushaad ah’ keliya hadafkoodu ahaa in ay rasaas ku fureen qaybo kamid ah Degmadaas balse laga hortagay. Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u…

Read More

War kasoo baxay Taliska Booliiska gaar ahaan qaybta Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay Degmada Dayniile lagu soo xiray Askari ku eedaysan in uu ishortaag ku sameeyay amar maxkamadeed isla markaana sameeyay Kicin Bulsho. Qoraalka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigay Magaca Askarigaan katirsan Ciidamada Qalabka sida oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) iyo xogta eedda loo haysto oo kooban. Booliiska ayaa sheegay in Cadaawe Jiib loo gudbinayo Maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa si loogu ciqaabo eedaha loo jeediyay ee ah diidmada go’aan maxkamadeed iyo kicinta bulshada sida hadalka loo dhigay. Ciidamada Booliiska qaybta…

Read More