Author: radiohalgan.com

Markii labaad todobaad gudihiis ah ayaa sida ay BBC ka soo xigatay mas’uul ka tirsan qaybta duullimaadyada rayidka ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada, waxay rumaysan yihiin in Somaliland ay “si aan sax ahayn ula xiriirtay” dayaarad rakaab oo maraysay hawada Soomaaliya. Mas’uulkaas ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay arrintaas “aad uga walaacsan tahay maadaama ay ka dhalan karaan khataro la xiriira bedqabka duullimaadyada”. Wuxuu intaa ku daray in arrintaas ay maanta kulan ka yeesheen wasiirka wasaaradaas iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, kuwaasoo marka arrintaas laga yimaado sidoo kale ka shiray geerida Cabdinaasir Muuse Dahable oo ahaa sarkaal ka shaqaynayey hay’adda…

Read More

Wuxuu ahaa rikoor ay gaartay Sweden kaas oo la xiriira orodka maratoo-ka ee ka dhacay magaalada Seville ee dalka Spain. Suldaan Xasan oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, isla markaana heysta dhalashada dalka Sweden ayaa 2.07.35 ku dhameystay kaalinta 10-aad ee orodka markii ugu horreysay ee uu garoonka ka soo muuqday taasoo kor u qaadday rikoorkii hore ee u yaallay Sweden in hal daqiiqo ka badan. Suldaan ayaa hadda galay kaalinta afaraad ee abid Sweden. Waxay ahayd billow aad loogu riyaaqay marka ay noqoto Suldaan, waxaana lagu ammaanay tababar dheer oo uu waqti badan ku soo bixiyay.…

Read More

Donald Trump ayaa soo saaray astaantiisa shirkadda kabaha, maalin ka dib markii xaakim reer New York ah uu ku amray inuu bixiyo $354.9 malyan oo ganaax ah. “Waxaan doonayay inaan tan sameeyo muddo dheer,” Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa yiri, isagoo daaha ka qaaday waxa uu ugu yeeray kabaha rasmiga ah ee Trump ee uu kaga dhawaaqay munaasibadda Sneaker Con ee ka dhacday Philadelphia ”. Waxa is qabsaday dhawaaq dheer iyo sidoo kale sawaxan, ka dib ku dhawaaqistiisa. Ka qaybgalayaasha ayaa ka badnaa taageerayaashii horay loogu arki jiray bandhigyada Trump. Kabaha dhaldhalaalaya, kuwa dahabka ka’ah xagga sare oo uu dhabarka…

Read More

Guutada 3aad ee qeybta 27aad ciidanka xoogga dalka ayaa gacanbta ku dhigay rag ka tirsan Al-Shabaab oo kiinooyin ku aasay degaano hoos yimaada gobolka Sh/dhexe. Raggan ayaa la qabtay markii ay qaraxyo lagu aasay dhulka la beegsadeen kolonyo uu la socday taliyaha Guutada 3aad ee qeybta 27aad Ciidanka xoogga dalka G/sare Ibraahim Yuusuf Nuur kuwaasoo marayey degaano u dhexeeyey magaalada Jowhar iyo degaanka Xawaadley. Ciidamada ayaa qabtay raggan ka dib markii labo qarax la beegsadeen ciidamada, midkood waxaa uu ahaa qarxiyaha miinooyina halka kan labaadna uu ahaa ilaalo hubeysan. Dhinaca kalem Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan ururka 47-aad guutada 8-aad…

Read More

Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gaari BL ah (Home) iyo Mooto Bajaaj ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Qarax ahaa miinada nooca soo booda ayaa qabsaday shacabkii la socday gaariga BL-ka ah iyo mooto Bajaaj-ta, waxaana halkaas ku geeriyooday oo Caasimada Online ay meydadkooda aragtay 9-qof, waxaana intaas ka badan karta tirada dhimashada. Sidoo kale dad kale oo ku dhaawacmay qaraxaas ayaa laga qaaday goobta, waxayna dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen in qaraxaasi uu ahaa miino ka soo booday laamiga geeskiisa. Khawaarijta Al-Shabaab ayaa qaraxa caawa dadka lagu laayey dhigtay isgoyska Soos…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda. Kulankaasi waxaa diblomaasiyiinta khudbadaha ka jeediyey ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, iyo wakiillada dawladaha Maryakanka, Britain iyo Shiinaha. Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray go’aankii maanta warbaahinta dowladda loogu diiday inuu ka baxo hadalkii uu kulanka baarlamaanka ka jeediyey madaxweyne hore, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale Farmaajo wuxuu fariin u diray Xasan Sheekh. Sheekh Shariif ayaa maanta kulankii baarlamaanka ka jeediyey dood adag oo uu kaga soo hor jeeday in baarlamaanku shaqada dastuurka guda-galaan, iyadoo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, hadalkiisana kama bixin TV-ga iyo Raadiyaha Qaranka oo toos u tebinayey doodii xildhibaanada ee ka socotay kulanka. Farmaajo ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan…

Read More

Jowhar: 19, Febaraayo, 2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay: Qodobka 51-aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle. Markuu Arkay: In ay muhiim tahay dar-dargelinta Agaasinka Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. Markuu tixgaliyay: Aqoonta iyo Waayo aragnimada uu mudanahaan u leeyahay arrimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada. Waxa uu Mudane Maxamed Shuuriye Nuur u Magacaabay Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyada Dowladda Hirshabeelle. -DHAMAAD-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan horumarrada laga gaaray adeegga iyo maamulka Hawada Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, iyaga oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha duulimaadyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed horumarka ay sameeyeen, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey’adda Duulista Hawada, si loo sii labo jibbaaro guulaha la gaaray. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay baaritaan…

Read More

Shir Madaxeedka Midowga Africa ayaa gacanta la’iskula tagay kadib markii ay dawladda Ethiopia oo marti-gelinaysa ay ku guul-dareysatay hab-agaasinka, iyo marti-soorka madaxda midowga Africa. Video-Clip laga soo qaaday xarunta midowga Africa ayaa muujinaya buuq, fawdo iyo gacan ka hadal dhex-marayey wafuudda qaar ee ka qayb-galaya shirka, taasi oo muujinaysa habacsanaanta iyo fashilka ay wajahayso Xukuumadda Addis ababa. Warbaahinta Gudaha Itoobiya(Amaharic News Agency) ayaa sheegtay in shirka Midowga Africa intiii uu socday ay rabshada ka dhaceeen halka falanqeeye Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo,AndargachewTse uu ku sifeeyey sanadkaan in uu Itoobiya uu yahay sanad uga xun si guud, si gaar ah habka…

Read More