Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: radiohalgan.com
Qarax xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa goordhaw ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo kutaalla degmada Dayniile , gaar ahaan meel ku dhaw xarunta degmada maamulka degmada . Sida aan xogta ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay maqaayad ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan booliisa milataaro , waxaa sidoo kale goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa dad shacab ah oo qaarkood maqaayada ku sugnaayeen. Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dad gaaraya 12-qof oo u badnaa ciidanka booliisa milataaro ay ku dhinteen qaraxa, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay dad kale oo badan ,kuwaa oo…
Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen howlgalkii 10ka bilood ka wadeen gudaha Qasa Hay’adda sirdoonka Israa’iil ayaa sidoo kale ku wargeliysay Netanyahu in la gaaray xilligii uu qaadan lahaa heshiis xabad joojin ah, sida ay sheegtay Al-Jazeera oo xiganaysa warbaahinta Israa’iil. Ciidanka Israa’iil ayaa la sheegay inay gudaha Qasa geli karaan marka ay diyaariyaan xogta sirdoon ee howlgallada, taasoo ka dhigan inaysan jirin xog sirdoon oo ay waqtigan la joogo ciidanka ku sugan gudaha Qasa heystaan si ay weerarro u fuliyaan. Israel ayaa waxaa Gaza kaga sugan ku dhowaad 100 kun askari oo qalabkoodu u dhan yahay kuwaasoo…
Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa diiday kaalmada dhaqaale ee IMF iyo Bankiga Adduunka. Ibrahim Traore ayaa sheegay in deeqaha reer galbeedka ay yihiin kuwa sabab in Afrika ay ku talaabsan weyso horumar iyo isku tashi. “Afrika uma baahna deeqaha Bankiga Adduunka, IMF, Europe ama Mareykanka, Afrika waxay haysataa wax kasta oo ay ku horumarin karto dhaqaalaheeda, iyada oo aan wax deyn ah ka qaadan dalalka shisheeye, ee gumeysiga nagu haysta,” ayuu yiri Ibrahim Traore. Kabtan Ibrahim Traore oo xukunka ku qabsaday afgembi ayaa noqday hoggaamiyaha ugu da’da yar afrika. Waa askari taliskii ka horreeyay ku dhaliilay istraatiijiyad aan miro-dhal…
Weerarradii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa’iil kaasoo billowday habeenkii Sabtida 13 April ayaa mar kale dhaliyay cabsi laga qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay kasii darto. Inkastoo uusan khasaare muuqda gaarin Israa’iil, haddana 300 oo gantaallo ah waxay muujinayaan awoodda ay Iiraan u leedahay inay masaafo fog wax kasoo weerarto. Kani waa sii xoogeysiga waxa muddo dheer ahaa dagaalka gacan saddexaad, taasoo ahayd weerarrada ay Israa’iil u geysanayaan kooxo xulafo la ah Iiraan, iyo duqeymaha bartilmaameedyo Iiraan lala xiriirinayo oo si weyn loogu nisbeyn jiray Israa’iil. Israa’iil ayaa haatanba ku jirta dagaalka Gaza waxayna sidoo kale wajaheysaa dagaal…
Paetongtarn Shinawatra ayaa jagada ugu sarreysa dalkaas kusoo biirineysa weji cusub, oo da’yar, iyo weliba xubin kale oo awood badan oo ka tirsan qabiilka Shinawatra. Waa gabadha Thaksin Shinawatra, raysal wasaarihii hore oo kusoo laabtay Thailand bishii August ee sanadkii hore kadib 15 sano oo uu dibad-joog ahaa. Gabadhan 37-jirka ah ayaa sidoo kale raysal wasaarihii ugu da’da yaraa taariikhda Thailand, waana keliya haweeneyda labaad – tii ugu horreysay waxay ahayd eeddadeed Yingluck Shinawatra. Paetongtarn oo Thailand looga yaqaanno naaneysteeda Ung Ing, Ms Paetongtarn ayaa caan noqotay markii ay horkacaysay xisbigeeda, Pheu Thai, doorashadii guud ee sanadkii hore. Waxay noqotay…
Haddii mar kale loo doorto madaxweyne, Donald Trump wuxuu ballan qaaday inuu samayn doono masaafurin ballaaran dadka an ogolaansho sharci ah ku joogaan Mareykanka. Ololahiisa ayaa bixiyey jawaabo kala duwan oo ku saabsan qorshaha saarida, ninka uu ku xigeenkiisa u magaacabay JD Vance, ayaa bixiyey hal tiro intii uu ku jiray waraysi uu todobaadkan siiyey warbaainta ABC. “Aan ku bilowno hal milyan,” ayuu yiri, “Taasi waa meesha Kamala Harris ay ku guuldaraysatay, ka dibna halkaas ayaan ka dhaqaaqi karnaa.” Laakiin xitaa isu soo baxyada ololaha Trump iyo madalada ay ka hadlaan waxaa ka muuqdo calaamo laga akhriyi karo “musaafurin tiro…
Xilli ciyaareed cusub ayaa u bilaabanaya horyaalka Engiriiska ee ah kan loogu daawashada badanyahay horyaalada Yurub, su’aalaha bilowgiisa lays-waydiinayana waa isla inta sanad walba lagu ibo-furo, oo ah yaa ku guulaysan kara?, maxaa ku cusub sharciyada?, yaa cusub?, maxaa is beddelay? kuwii joogay ee tababarayaal ahaa, kuwa yimi iyo ciyaaryahano intaba. Waa Sunne kubadeed in sanad walba oo cusub uu wato wax cusub oo wax wayn beddeli kara, lakiin horyaalka Engiriiska marna waxa uusan lumin tamarta xifaalo ee dhex taala kooxaha waawayn ee ay ka midka yihiin Manchester City, Man United, Liverpool, Chelsea, Arsenal, Tottenham iyo kooxaha kale. Khubarada BBC-da…
Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa walaac si dadban uga muujisay heshiiskii dhanka Difaaca ahaa ee dhowaan ay wadagaleen Madaxda Dowladaha Soomaaliya iyo Masar, Addis Ababa ayaa u aragtay culeys kale oo kusoo kordhay. Itoobiya ayaa colaad waxa ay kala dhaxeysa Soomaaliya oo ay ku xadgudubtay kaddib markii ay shaacisay heshiis meel ka dhac ku ah midnimada, wadajirka iyo Madaxbannaanida Dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, Addis Ababa waxa ay dhowr jeer is qabteen Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar oo ay isku hayaan isticmaalka Biyaha Nile, Itoobiya ayaa ku dhaqaaqday qorshe ay ku dhiseyso Biyo Xireen kaas oo dhibaato ku ah dhanka…
Taliyaha magacaaban ee Booliiska Kenya Douglas Kanja ayaa Baarlamaanka Dalkaas ka codsaday in ay ansixiyaan si uu mas’uuliyadda ula wareego isla markaana adkeeyo nabadgalyada goobaha ay qaranka. Douglas oo gacanta ku heysta warqadda magacaabista ee Madaxweynaha Kenya William Ruto balse waxa uu sugayaa in uu aqbalaad ka helo Baarlamaanka Dalkaas oo dahnkiisa dareemaya culeys ka dhashay dadkii dibadbaxa ku galay bishii 6aad. Kanja ayaa qiray in laga fursan karay dayaca mas’uuliyad darro ee Amniga Dalkaas gaar ahaan dhismaha Xarunta Xeer-dejinta, cabsidii ka dhalatay dibadbaxyaashii gudaha u galay xaruntooda ayaa dhalisay in ay ka fiirsadaan cidda lagu aaminayo amniga waddanka. Madaxweyne…
Dalka Thailand ee dhaca Koofur bari ee Qaaradda Aasiya ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare waxaana Baarlamaanka Dalkaas uu u codeeyay in Haweeneyda lagu magacaabo Paetongtarn Shinawatra ay hoggaamiso xukuumadda cusub. Haweeneydaan Ra’iisul Wasaaraha ka noqoneysa Thailand waa 37 jir waxaana ay sidaas ku gashay diiwaanka Qofkii ugu da’da yaraa ee xilkaan ka qabtay taariikhda Dalkaan, sidoo kale waa haweeneydii labaad ee isla xilkaan oo kale loo doorto. Gabadhaan ayaa xilkaan ay qabatay waxaa horay usoo qabtay Aabaheed Thaksin Shinawatra, waxaana horyaalla wax ka qabashada caqabaddii ay ka tagtay Xukuumaddii ka horreysay oo madaxa ay isla galeen Maxkamadda Dastuuriga ah. …