Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) ayaa si caadi ah u wata howlaha shaqo ee hay’adda Nabad-sugidda.
Agaasimaha ayaa maanta illa caawa kulamo la leh saraakiisha kala duwan ee hay’adda oo uu kala hadlay sugidda amniga Caasimadda iyo laba jibaaridda howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta.
#Xubno mucaaradka kamid ah oo rabay in aay dalka foodo galiyaan isla markaana la joojiyo howlgalka ciribtirka Khawaarijta oo qaba in Sanbaloolshe oo hay’adda NISA jooga in aaysan shaqadooda suura geli karin ayaa baraha bulshada ku baahiyay warar been abuur ah, madama isku dayga xilka qaadista aay wadeen uu laalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ilo ku dhow Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhankooda warbaahinta u xaqiijiyay in madaxweynaha uu shaqsi ahaan ama xisbi ahaan kalsooni buuxda ku qabo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)
#Dhina kale madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha Caalamka ayaa la dhacsan howlaha shaqo ee hor tabinta leh ee Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo kala saaray isku milankii hay’adda NISA ka jiray iska markaana u-dub dhaxaad u ah howlgalka ciribtirka Khawaarijta iyo xasiloonada dalka.
Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa dadka amniga dalka falanqeeya waxa aay qabaan in uu yahay garabka koobaad ee Madaxweynaha isaga oo ka badbaadiyay dabinno siyaasadeed iyo kuwa amni oo loo ma leegay madaxweynaha, balse waxaa shafka u gaaray oo ka badbaadiyay Madaxweynaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).