Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa dalab soo jiidasho leh ka heshay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo ay ku doonayso ciyaaryahankeeda cajiibka ah ee Lamine Yamal.
Wargeyska Isbaanishka ee “Sport” ayaa daaha ka qaaday tafaasiisha dalabka iyo mowqifka Barcelona ee ku aadan iibinta ciyaaryahankeeda Yamal.
Yamal ayaa xulkiisa Spain kala qeyb galaya koobka qaramada Yurub (Euro 2024) wuxuuna isku diyaarinayaa inuu ka qeyb galo finalka koobka qaramada Yurub Axada soo socota.
Sida warbixinta lagu sheegay, Paris Saint-Germain ayaa Barcelona u gudbisay dalab ku kacaya 250 milyan oo euro si ay ula soo saxiixato Yamal, waxaana dalabkaan uu ahaa ka hor bilowga Euro 2024.
Yamal, oo 17 jirsan doona maalmo gudahood ayaa Barcelona u saxiixay heshiis 2026 si uu u sii joogo kooxda.
Paris Saint-Germain ayaa raadineysa inay xoojiso weerarkeeda ka dib markii Kylian Mbappe uu u dhaqaaqay Real Madrid, laakiin Barcelona ayaa diiday inay iibiso xiddiga Yamal.