๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐ฎ๐๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐๐๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐ค๐ ๐ฃ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐ง๐ ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐.
#Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Washington DC ayaa ka qeyb galay shirka heerka sare ee Bangiga Adduunka.
#Shirka oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika ayaa Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige waxa uu jeediyay khudbad uu nuxurkeeda uga hadlay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaalada Xukumadda ee ah kobcinta dhaqaalaha iyo maalgalinta fursadaha muhiim ah ah ee shaqo abuur u noqon kara bulshada Soomaaliyeed.
#Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale hadal-jeedintiisii waxa uu diiradda ku saarey sidii looga gudbilahaa xaalada u jilicsanaanta xiliyada adag, isagoo tilmaamay in Dowladdu dajisay qorsheyaal muhiim u ah u adkeysiga aafooyinka dhaca xiliyada qaar.
#Marka loo eego xaaladda dalalka soo koraya, colaadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ahna ay ku dheceen, Soomaaliya waxa ay hoggaaminayaa sida loo maro dhabbaha soo kabashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka