Close Menu
    What's Hot

    DEG-DEG:-Diyaarad ku burburtay Qadar oo ay dad ku dhinteen

    March 22, 2026

    Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

    March 21, 2026

    Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

    March 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

      March 21, 2026

      Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

      March 21, 2026

      MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

      March 21, 2026

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo la filayo inuu la kulmo odayaasha dhaqanka ee KGS.

      March 21, 2026

      DEG-DEG:-Diyaarad ku burburtay Qadar oo ay dad ku dhinteen

      March 22, 2026

      AkhrisoF-35-tii shiishka lala helay – iyo Iiraan oo burburisay aaminaad laga qabay inaan diyaaradaas wax la gaarsiin karin

      March 21, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      DEG-DEG:-Diyaarad ku burburtay Qadar oo ay dad ku dhinteen

      March 22, 2026

      Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

      March 21, 2026

      Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

      March 21, 2026

      MW Laftagareen oo tababar u soo xiray Ciidamo Itoobiya u tababartay Koofur Galbeed

      March 21, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    By radiohalgan.comFebruary 9, 20262 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiir Hore Yusuf Garay ayaa Yiri Farriimaha Saddexda ah ee Galdogob

    Shalay waxaan ka qeybgalay Caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed. Ugaaska oo aan Jaamacadda Ummadda isku soo gaarnay, kana wada tirsaneyn Guddiga ardayda maamula, waa nin sharaf iyo xushmad badan oo fiiro dheer. Allah ha ku guuleeyo mas’uuliyadda ballaaran.

    Munaasabadda oo marti sharafta ka soo qeyb gashay ay ka yimaadeen Djibouti, Jigjiga, Garisa iyo Soomaaliya woqooyi iyo koofurba, waxay ahayd mid si qurux badan loo soo abaabulay.

    Inkasta oo ay joogeen Madax sare oo Federaalka ah iyo Madaxda Puntland oo uu horkacayo Madaxweynuhu, haddana fadhiga xooggiisu wuxuu ahaa Madaxda dhaqanka.

    Salaaddiin aad u fara badan ayaa munaasabadda ka hadlay. Ilama aha in ay ku soo tashadeen laakiin ka sokow ducada iyo hambalyada Ugaas Cabdiraxmaan, ku dhowaad kulligood waxay ka sinnaayeen in ay gudbiyaan saddex farriimood.

    Jiilaal daba dheeraaday oo Soomaalida ekeeyay dartiis in dibad iyo gudaba loo gurmado dadka iyo xoolahaba, Ilaaheeyna laga baryo roob kheyr qaba.

    Colaad beesha martida loo yahay kala dhexeysa beesha xuddinteedu ay tahay Koofurta Gaalkacyo, ay labada Dowlad Goboleed ee Puntland iyo Galmudug, Federaalka, Dhaqanka oo Ugaas Cabdiraxmaan iyo Suldaan Seed ay labaduba goobjoog ahaayeen, iyo waxgaradka Mudug ay ka howlgalaan in la soo afjaro oo si nabad ah la isu dhex maro. Waxaa xusid mudan in beesha Koofurta Gaalkacyo ay wafdi culus ku yimaadeen Goldogob iyaga oo qaarna Gaalkacyo ay baabuur ugu yimaadeen sida Suldaan Seed qaar kalena ay Xamar ka yimaadeen sida Senator Cabdi Qaybdiid, Xildhibaan Dhabancad, Xildhibaan Caga Weyne iyo Ganacsade Liibaan Axmed Xasan.

    Farriinta saddexaad waxay ahayd in Dowladdhiska iyo wadajirka Soomaaliya loo istaago. In la fahmo marxaladda uu dalku marayo sidaa darteedna laga gudbo meel ku dhegga iyo go’aannada dadka kala fogeynaya.

    Aniga waxay ii ahayd seminar dhowr saacadood ah oo la xiriira dhaqanka, isdhexgalka dhaqanka iyo siyaasadda iyo macaamilka Soomaalida aan ka midka ahay marka aan keligeen isugu fagaare ku kulanno. Kulanka wuxuu tusaale u ahaa sida ay Soomaalidu ugu qurux badan tahay is qaddarinta, wadashaqeynta iyo isku tashiga.

    Waxaan u mahadcelinayaa reer Goldogob oo sida loo sharfay si u dhiganta u soo dhoweeyay una sooray martidii faraha iyo culeyska badnayd ee shalay ka qeybgashay Caana-shubka Ugaaska.

    Waxaan u mahadcelinayaa Dowlad Goboleedka Puntland iyo Madaxweynaheeda kaalintoodii munaasabadda siiba ciidammada Amniga oo gacanta ku hayay amniga shirka.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Kulankii Xalay Gudoomiyaha isboortiska Dagmada Bule-burte iyo Jaaliyadda Reer Hiiraan

    January 24, 2026

    Thierry Henry Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Champions League Xilli Ciyaareedkan.

    April 11, 2024

    Luis Enrique: Dagaal Ayaa Ka Dhici Doona Barcelona.

    April 11, 2024
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    DEG-DEG:-Diyaarad ku burburtay Qadar oo ay dad ku dhinteen

    March 22, 2026

    Maraykanka oo bariga dhexe u diray Ciidamada ka booda Diyaaradaha

    March 21, 2026

    Sheekh Mustafa Xaaji “Diin ahaan ma bannaana in aynu hiil u noqono Israa’iil”

    March 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.