Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025

      Taliyaha Hay’adda NISA, Sanbalooshe ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka kadib

      May 30, 2025

      Madaxweyne Cirro oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Kenya.

      May 30, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

      May 31, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

      May 31, 2025

      Imtixaan laga qaadayo guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo la furay

      May 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    YouTuber caan ah oo mar sheegay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay uu ceelal ka qodayo oo dacwado loo heysto

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comSeptember 23, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Taageerayaal kala bar bilyan ah, hanti malaayiin doollar ah iyo ganacsi caalami ah oo shaac baxay.

    Wax badan bay qaadaneysaa in intaasoo dhan laga xayuubiyo ninka ugu taageerayaashad badan YouTube waa Jimmy Donaldson, oo loo yaqaanno MrBeast.

    Balse dacwad ka kooban 54 bog ayaa laga yaabaa inay noqoto imtixaankii ugu adkaa ee uu wajaho.

    Ilaa shan dumar ah oo u tartamayay barnamaijka Prime Video show Beast Games ayaa gudbinaya dacwad ka dhan ah shirkaddiisa MrB2024 iyo Amazon ee Los Angeles.

    Barnaamijkan oo ah taxanaha tartankii ugu weynaa abid, 1,000 tartame ayaa ku tartamaya abaal-marin $5m (£3.7m) marka barnaamijka la baahiyo. Dacwadda ayaa carqalad ku abuurtay barnaamijka.

    Dacwadda ayaa waxaa ku xusan eedeymo ah in shirkadda wax soo saarka ninkan ay dhiirrigeliso dhaqan nin-jecleysi ah.

    Waxay taasi dhaawaceysaa sumcadda MrBeast ee inuu yahay mid ka mid ah dadka ugu wanaagsan baraha internet-ka.

    Qaar ka mid aj tartamayaasha ayaa sheegay “inaan cunto fiican la siin ayna aad u daallanaayeen”. Cunnadu ma ahayn mid ku filan dadka, taasoo halis gelisay caafimaadka tartamayaasha, sida ay sheegeen.

    Waxay sidoo kale tartamayaasha sheegeen in goobta lagu shaqeynayay ay ahayd mid aan wanaagsaneyn, isla markaana ay la kulmeen dhaqan tacaddi jinsi.

    Bishii August, New York Times ayaa la hadashay qaar ka mid ah tartamayaasha barnaamijka oo aan markaas la shaacin, waxayna sheegeen in dhowr qof isbitaalka la dhigay, iyadoo mid ka mid ah uu sheegay in ilaa 20 saacadood aan wax cunno ah la siin.

    Tartamayaasha ayaa sidoo kale sheegay in dawooyinkooda aan lagu siin waqtigii loogu talo-galay.

    BBC ayaa la xiriirtay MrBeast iyo Amazon – welise kama uusan hadlin arrintan.

    Marka eedeymahan ma dhaawici doonaan boqorka caannimada YouTube?

    Sidii uu kusoo caan-baxay

    YouTube

    Xigashada Sawirka,Don Arnold/WireImage

    MrBeast sanadkan uguma horreyso in eedeymo loo jeediyo – mar walbana wuu ka dabaalan jiray waxyaabaha lagu qabsado.

    Bishii July, 26-jirkan u dhashay Mareykanka ayaa sheegay inuu shaqaaleysiiyay baareyaal kadib markii nin ay barnaamij isla qaban jireen Ava Kris Tyson lagu eedeeyay inuu wiil yar tacaddi u geystay.

    Ava ayaa beeniyay eedeymaha, balse wuxuu raalligelin ka bixiyay “dabeecad hore” oo aan “la oggolaan karin”.

    MrBeast ayaa sheegay inuu “aad uga xumaaday” “eedeymaha adag”.

    Mar dambe, eedeymo dheeraad ah oo ganacsigiisa ku saabsan ayaa soo baxay kuwaasoo lagu shaaciyay bar YouTube, oo lagu sheegay inuu leeyahay shaqaale hore. BBC si madax-bannaan uma xaqiijin karto sheegashada qofkaas.

    Qaar ka mid ah dadaalladii bani’aadannimo ee uu muujiyay – sida inuu ceelal ka dhisayo dalal Afrika ku yaalla oo Soomaaliya ka mid tahay, iyo bixinta lacagta dadka loo sameeyo qalliinka indhaha iyo maqalka – ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn.

    “Dadka maqalka naafada ka ah sideyda oo kale waxay u qalmaan wax ka wanaagsan tan MrBeast,” ayuu qof u sheegay Independent sanadkii hore.

    Balse ganacsigiisa iyo magaciisa ayaa sii kobcay. Maalin kahor markii dacwadda ay soo baxday Arbacadii, wuxuu daaha ka qaaday inuu kala shaqeynayo wejiyada caanka ah ee KSI iyo Logan Paul – shirkad cusub oo cunnada ah oo loollan la gasha Lunchables.

    Inta badan waxyaabaha uu sida bini’aadannimada leh u sameeyo waa kuwo aan muran badan dhalin – sida inuu guryo dadka siiyo, lacag iyo gawaari – kuwaasoo uu ku kasbaday sumcad ah inuu ka mid yahay ragga ugu wanaagsan baraha internet-ka.

    Sida laga soo xigtay bartiisa internet-ka, ilaa 25 milyan oo qof oo daafaha dunida ku nool ayuu cunno u qeybiyay.

    Dadka ayaa weli kusii qulqulaya baraha bulshada. Bishii June, wuxuu hantay taageerayaal ku filan in bartiisa YouTube ay noqoto tan ugu weyn caalamka.

    Sida laga soo xigtay barta Socialblade ee la socota baraha bulshada, MrBeast ayaa ilaa shan milyan oo taageerayaal dheeraad ah hantay 30-kii maalmood ee ugu dambeeyay keliya.

    Balse waxyaabah aan la ogaan karin ayaa ah inta qof ee taageerada kala laabatya bartiisa iyo dadka joojiyay inay daawadaan muuqaalladiisa.

    Raalligelinta YouTube

    Ma aha YouTuber-ka keliya ee caannimadiisa ay muran dhalisay – qaar kale ayaa wajahay eedeymo ka daran kuwa MrBeast, iyadoo qaar yar ay wajahayaan ciqaab, iyagoo aan wax raalligelin bulsho bixin.

    Logan Paul ayaa cambaareyn loo jeediyay sanadkii 2018 kadib markii uu baahiyay muuqaal uu kasii daayay bartiisa ay ku xiran yihiin 15 milyan, muuqaalkaas oo muujinayay meydka qof isagu is dilay.

    Kadib markii uu ka saaray muuqaalka, keliya raalligelin labo daqiiqo a ayuu bixiyay taasoo ciwaan looga dhigay: “Aad baan uga xumahay.”

    Hadda, waxaa ku xiran 23 milyan oo taageerayaal aj, wuxuuna leeyahay baar caan ah, isagoo magacyo kala duwanna kasbaday.

    YouTuberrada kale, oo ay ka mid yihiin Pewdiepie, James Charles, iyo Jeffree Star ayaa dhammaantood muran dhaliyay, wayna sii wateen xirfaddooda kadib markii ay muuqaallo raalligelin soo geliyeen.

    Muhiimaddu waa: YouTuberrada si degdeg ah ayaa loo cafiyaa.

    Maxaa sugaya MrBeast?

    Iyadoo taageerada MrBeast ay sii kordheyso, haddana doodda uu abuuray ayaa soo badaneysa mar kale – tallabadiisa xigta ayaana go’aamin doonta guushiisa muddada dheer.

    James Lunn, oo ah madaxa istaraatiijiyadda ee Savvy Marketing, ayaa sheegay in xiddigga uu “ku jiro boos muhiim ah”.

    Khubarro kale ayaa sheegaya in eedeymaha ninkan loo heysto ay kasii dhigi karto qof caan ah, balse sida ku xusan dacwadda marka la eego ay tahay mid adag.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Sida taleefan lagu dhex dafay London muddo yar ka dib loogu arkay dalka Shiinaha

    September 7, 2024

    Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

    August 27, 2024

    WHO oo soo rogtay xaalad deg deg ah oo xanuunka Furuqa Daanyeerka (Mpox)

    August 15, 2024
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Xukunno adag oo lagu riday Shabakad dilal Muqdisho ka fullin jirtay

    May 31, 2025

    Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

    May 31, 2025

    Hirshabelle oo daahfuray ololaha wacyigelinta dhismaha goleyaasha deegaanka Degmada Buulobarde,

    May 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.