Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025

      Khasaaro dhimasho oo ka dhashay Roobkii xalay Muqdisho ka da’ay

      May 10, 2025

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      DEG DEG Mareykanka oo ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

      May 9, 2025

      DEG DEG Pakistan ayaa markii ugu horreysay adeegsatay hub casri ah

      May 9, 2025

      Madaxweyne Trump oo xiriirka u jaray Netanyahu

      May 9, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      DEG DEG Itoobiya ayaa kamid noqotey Wadamada ugu kobaca dhaqaalaha

      May 5, 2025

      Muwadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koofur Afrika

      April 25, 2025

      Guddoomiye Aadan Madoobe “Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib”.

      November 2, 2024

      Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

      May 10, 2025

      Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

      May 10, 2025

      DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

      May 10, 2025

      Fahad Yaasiin” Madaxweyne Xasan Sheekh waa hoggaamiye Caddaalad !”

      May 10, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Yaxya Sinwar: Cirroolaha colaad u jooga ahaa ee Israa’iil ku noqday laf- dhuun gashay oo xil sare loo magacabay

    Yaxya Sinwar: Cirroolaha colaad u jooga ahaa ee Israa’iil ku noqday laf- dhuun gashay oo xil sare loo magacabay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 7, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ka dib wadahadallo labo maalmood qaatay oo magaalada Doxa ee dalka Qadar ay ku yeesheen madaxda ururka Xamaas ayey ku dhawaaqeen cidda beddelaysa hoggaamiyahoodii siyaasadda Ismaaciil Haniya oo toddobaad ka hor lagu dilay dalka Iran.

    Xamaas ayaa ku dhawaaqday in Yahya Sinwar, inuu noqonayo madaxa guud ee cusub ee Ururka isagoo beddelaya Ismail Haniyeh.

    Ninkan ayaa tan iyo 2017kii, waxa uu ahaa hoggaamiyaha kooxda ee gudaha marinka Qasa. Hadda waxa uu noqon doonaa hoggaamiyaha garabkooda siyaasadeed.

    Hoggaanka Xamaas ayaa si wada jir ah u doortay Sinwar inuu hoggaamiyo dhaqdhaqaaqa, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal sare oo Xamaas ka tirsan.

    Goluhu wuxuu si aqlabiyad ah ugu codeeyay in la doorto Sinwar, taasoo mid ka mid ah saraakiisha Xamaas uu BBC-da u sheegay in tani tilmaamayso “farriin ka dhan ah Israa’iil”.

    “Waxay dileen Haniyeh, qofka dabacsan ee u furfuran xalalka. Hadda waa inay la macaamilaan Sinwar iyo hoggaanka militariga,” ayuu yiri sarkaalka.

    Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xili xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareereyso, iyadoo Iran iyo xulafadeeda ay ku hanjabeen inay ka aargudan doonaan dilka Haniyeh oo ay ku eedeeyeen Israel. Israa’iil kama aysan hadlin.

    Xaaladdo badan ayaa laga hadlay, laakiin ugu dambeyntii, laba magac oo kaliya ayaa la soo bandhigay: Yahya Sinwar, iyo Mohammed Hassan Darwish, oo ah qof aan muuqan oo madax ka ah Golaha Shuurada Guud, oo ah golaha soo saara Xafiiska Siyaasadda Xamaas.

    Ka hor dhimashadiisa, Ismaciil Haniyeh waxa ay dublamaasiyiinta gobolku u arkayeen in uu yahay shaqsi wax ku ool ah marka loo eego kuwa kale ee Xamaas ahaana darawalka muhiimka ah ee siyaasadeed ee kooxda.

    Ninkan hadda hoggaanka kooxda qabanaya Yaxye Sinwar, waxaa loo arka mid ka mida kuwa ugu xagjirsan Xamaas.

    Sinwar ayaa ka mida kuwa ugu sarreeya liiska shaqsiyaadka Xamaas ee Israa’iil aad u doon doonayso.

    Hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ayaa rumeysan inuu isagu maleegay qorsheynta iyo fulinta weerarradii 7-dii Oktoobar 2023, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,200 oo qof oo Israa’iiliyiin ah halka 251 la qafaashay.

    Maxay Israa’iil ka tiri magacaabista Sinwar

    Israel

    Xigashada Sawirka,Reuters

    Israa’iil ayaa sheegay inay wali doonayso inay disho Yaxye Sinwar. Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in tani noqon doonto ciribtirka Sinwar.

    “Magacaabista argagixisada soo jireenka ah ee Yahya Sinwar oo loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee Xamaas, oo bedelaya Ismail Haniyeh, waa sabab kale oo adag oo ah in si degdeg ah loo tirtiro, loogana tirtiro ururkan sharka leh dunida,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz.

    “Yahya Sinwar waa argagixiso, kaasoo mas’uul ka ah weerarkii argagixiso ee ugu naxariista darnaa ee taariikhda,” afhayeenka ciidamada difaaca Israel Daniel Hagari ayaa sidaas u sheegay warbaahinta Al-Carabiya.

    Sinwar, laguma arag meel fagaare ah tan iyo weeraradii October, waxaana la rumeysan yahay inuu ku ku jiro “10 dabaq oo dhulka hoostiisa ah” oo ku yaal Qasa sida uu sheegay bishii June xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

    Xisbullah oo ka hadashay

    Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa hambalyo u dirtay Yaxye Sinwar in hoggaanka ururku u doortay inuu beddelo Ismaaciil Haniyah.

    Ururkan Xisbullah oo ay taageerto Iiraan ayaa muddo dheer colaad kala dhaxaysay Israa’iil, waxaa muddooyinkan danbe sii kordhaysay xiisadda labada dhinac.

    Israa’iil ayaa toddobaad ka hor ku dhaaqday inay duqayn ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xisbullah.

    Waa Kuma Yaxye Sinwar.

    yahya

    Xigashada Sawirka,EPA

    Yaxye Sinwar, waxa uu ku dhashay xerada qaxootiga Khan Younis ee Qasa sanadkii 1962di, isaga oo daraasaadka Carabiga kaga takhasusay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa. Saddex jeer ayaa la xiray – 1982, 1985 iyo 1988dii. Markii ugu horreysay waxaa la xiray isaga oo jaamacadda dhigta, markaas oo uu ahaa hoggaamiyaha ardayda.

    Waxa uu madax ka noqday qarabka amniga ee Xamaas bartamihii 1980kii, isaga oo masuul ka ahaa dabogalka iyo ciqaabista Falastiiniyiinta ku eedeysan inay la shaqeeyaan Israel.

    Laakiin waxay Israa’iil xirtay 1988dii, isaga oo xabsi ku jiray ilaa 2011-kii , markaas oo uu qeyb ka noqday heshiis maxaabiis isweydaarsi ah oo lagu siidaayay 1000 qof oo Falastiiniyiin ah, iyo Askari Israel oo shan sano u xirnaa Xamaas.

    61-jirkan ayaa sannadkii 2017-kii loo magacaabay madaxa xafiiska siyaasadda kooxda ee Marinka Qasa, xilkaas oo uu ilaa hadda hayay.

    Maraykanka ayaa Sinwar ku daray liiska madow ee “argagixisada caalamiga ah”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Hindiya iyo Pakistan.

    May 10, 2025

    Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

    May 10, 2025

    DEG DEG Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo lagu xayiray Qaahira kadib

    May 10, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.