Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025

      Waa sidee xaalada caawa ee deegaanka Ceel-hareeri.

      June 4, 2025

      Waa kuma wiilka geesiga ah oo isku dhigay gaari Qarax uu ku rarnaa dagaalkii maanta Ceel hareeri ka dhacay.

      June 4, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

      June 9, 2025

      Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

      June 8, 2025

      Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

      June 8, 2025

      DEG DEG: Dagaal culus ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 8, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Yaa baddalaya hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran Ayatollah Cali Khamenei kadib geeridii Raisi?

    Yaa baddalaya hoggaamiyaha ugu sarreeya ee Iran Ayatollah Cali Khamenei kadib geeridii Raisi?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 21, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ka hor geeridii shalay ee madaxweynihii hore ee Iran Ibraahim Raiisi, dad badan waxay aaminsanaayen inuu ahaa ninka ugu cadcad ee badeli kara hoggaamiyaha ruuxiga Ayatollah Cali Khamenei oo 85 jir ah .

    Raisi waligiis ma dafirin wararka la isla dhex marayay ee ku saabsan hamiga uu u qabo inuu noqdo hogaamiyaha ugu sareeya ee soo socda, qaar badan oo ka mid ah talaabooyinkiisa ayaana tilmaan cad ka bixinayay halka uu u socdo.

    Intii aanu noqon madaxweynaha Iran wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo dhnak cadaaladda ah wuxuu soo noqday sidoo kale ku xigeenka golaha khuburada Iran.

    Inkastoo uu ku guul daraystay doorashadii 2017-kii haddana hoggaamiyaha sare Ayatollah Khamenei ayaa Ra’iisi u magacaabay madax cadaladda ee dalkaas.

    Sanadkii 2021-ka , Raiisi wuxuu noqday madaxweynihii sideedaad ee jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Sidee loo doortaa hoggaamiyaha saree e Iran ?

    Hoggaamiyaha sare Ayatollah Khamenei waa ninkii labaad tan iyo 1979-kiii bilowga kacaanka Iran, xilligaasna waxaa doortay guddi ka koobnaa 88 xubnood isla markaana ahaa khuburo wadaaddo ah.

    Xubnaha Golaha Khubarada waxa doorta Iraniyiin siddeedii sanaba hal mar, laakiin musharrixiinta golahan waa in ay ansixiyaan Golaha Ilaalada.

    Xubnaha Golaha Ilaalada waxa si toos ah ama si dadbanba u doorta Hogaamiyaha Sare.

    Sidaa darteed, Hogaamiyaha Sare wuxuu saameyn weyn ku leeyahay labada guddi.

    Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Cali Khamenei waxa uu ka shaqaynayay sidii loo hubin lahaa doorashada muxaafidka ee golaha kuwaas oo raacaya tilmaamaha uu isagu ku dooranayo qofka bedeli doona.

    Marka la doorto, Hogaamiyaha Sare waxaa laga yaabaa inuu sii joogo jagadan inta uu nool yahay.

    Sida uu qabo dastuurka Iran, hoggaamiyaha ugu sarreeya waa inuu lahaadaa darajada Aayatullaah, taasoo la macno ah inuu yahay nin Shiico ah oo caan ku ah diinta.

    Laakiin markii Cali Khamenei la doortay ma uusan ahayn Aayatullaahi, sidaas darteed waxaa la beddelay sharciyadii si ay ugu suurtagasho inuu qabto jagadaas.

    Ogowna, sharciyadu way is beddeli kartaa mar kale iyadoo hadba ku xiran jawiga siyaasadeed marka ay timaado wakhtiga la dooranayo.

    Waa kuma ninka loo badinayo inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee Iran?

    Jeneraal Xuseen Salami

    XIGASHADA SAWIRKA,AFP

    Waxa ay dani ugu jirtaa dhinacyada kala duwan ee siyaasadda jamhuuriyadda islaamiga ah in ay door ku yeeshaan doorashada hoggaamiyaha soo socda, balse ma jiro qof awood leh oo u dhaqmi kara sidii uu doono.

    Marka la eego in hoggaamiyaha hadda talada haya uusan lahayn daacadnimo siyaasadeed oo la mid ah kii ka horreeyay, Khamenei wuxuu saameyntiisa ku dhisay shabakad xiriir shakhsi ah oo uu la leeyahay taageerayaashiisa, tirada badan oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan dalka ee ilaalada kacaanka.

    Ilaalada Kacaanku waxay u badan tahay inay isku dayaan inay ka hortagaan musharax kasta oo ay u arkaan inaanu ku haboonayn inuu xafiiska hoggaamiyo.

    In kasta oo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in liiska musharixiinta ay si hoose u qoran yihiin, haddana ma jirto cid garanaysa cidda ku jirta iyo cid sheegatay inay wax ka ogtahay.

    Horey waxaa u jirtay in Cali Khamenei uu door biday inay noqon karaan wiilkiisa Mojtaba ama madaxweynihii dhintay ee Ibrahim Raiisi.

    Raiisi oo horey u ahaa madaxa golaha garsoorka, Sadiiq Larijani, iyo madaxweynihii hore Xassan Rouhani ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku hamminayaan inay xilkaan qabtaan.

    Waa kuma Mojtaba Khamenei

    Mojtaba Khamenei

    XIGASHADA SAWIRKA,DPA/ALAMY LIVE NEWS

    Waa 51 jir uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Iran waxaana lagu magacaabaa Mojtaba Khamenei, wuuxuna ku dhashay magaalada diinta ku caanka ah ee Mashhad. Waa wadaad sida aabbihiis oo kale laakin muuqaalkiisa aad looma yaqaan.

    In kasta oo Cali Khamenei aanu ahayn boqor oo aanu si fudud awoodda ugu wareejin karin wiilkiisa, Mojtaba haddana waxa uu ku dhex leeyahay awood la taaban karo bulshada reer Iran marka la eego mudada uu hoggaanka hayay iyo sida uu u maareeyo isbadellada yimaada mararka qaar.

    Mojtaba Khamenei haddii uu taageero ka helo Ilaalada Kacaanka,waxaa tillaabadaasi door ka qaadan kartaa habka sharciga ah ee xafiiska lagu yimaado.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Cali jeyte “Macaawisleyda Hiiraan ayaa dishay horjoogihii AS”.

    June 9, 2025

    Akhriso:- Axmed Madoobe oo kulamo ka wada Nairobi

    June 8, 2025

    Ciidamo badan oo la geeyay magaalada Los Angeles

    June 8, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.