Weerarradii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa’iil kaasoo billowday habeenkii Sabtida 13 April ayaa mar kale dhaliyay cabsi laga qabo in xaaladda Bariga Dhexe ay kasii darto. Inkastoo uusan khasaare muuqda gaarin Israa’iil, haddana 300 oo gantaallo ah waxay muujinayaan awoodda ay Iiraan u leedahay inay masaafo fog wax kasoo weerarto.
Kani waa sii xoogeysiga waxa muddo dheer ahaa dagaalka gacan saddexaad, taasoo ahayd weerarrada ay Israa’iil u geysanayaan kooxo xulafo la ah Iiraan, iyo duqeymaha bartilmaameedyo Iiraan lala xiriirinayo oo si weyn loogu nisbeyn jiray Israa’iil.
Israa’iil ayaa haatanba ku jirta dagaalka Gaza waxayna sidoo kale wajaheysaa dagaal xadka ka gudbay oo ay ku lug leedahay kooxda fadhigeedu Lubnaan yahay ee Xisbullah, marka xiisadda oo ka sii darta ayaa khatar dhalin karta.
Madaxa ciidamada Israa’iil Lt Colonel Herzei Halevi ayaa sheegay in dalkiisa uu ka jawaabi doono weerarkii Sabtidii.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Ali Bagheri Kani, ayaa telefishinka dalkaas u sheegay in weerar ka yimaada Israa’iil looga jawaabi doono sekenno gudahood, oo xitaa aysan ahayn saacado.
Yaa gacan sarreeya?
BBC ayaa su’aashan miisaan saartay iyadoo adeegsaneysa ilaha hoos ku xusan, inkastoo dal walba laga yaabo inuu leeyahay awoodo muuqda oo qarsoon.
Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadda (IISS) ayaa is barbar dhigaya awoodaha militari ee labada dal, isagoo adeegsanaya ilo rasmi ah iyo kuwo furan oo kala duwan si loo sameeyo qiyaasta ugu fiican.
Uururrada kale, sida Machadka Caalamiga ah ee Baaritaanka Nabadda ee Stockholm, oo sidoo kale sameeyay qiimeynno, balse saxnaanta ayaa u kala duwan dalalka kuwaasoo aalaaba aan tirooyin sheegin.
Si kastaba, Nicholas Marsh, oo ka tirsan Machadka Baaritaanka Nabadda ee Oslo (PRIO), ayaa sheegay in IISS loo arko kan ugu habboon qiimeynta awoodda militari ee dalalka guud ahaan dunida.
IISS ayaa sheegtay in Israa’iil ay in ka badan Iiraan bajadkeeda ku bixiso difaaca, taasoo awood muuqata siineysa dagaal walba.
IISS ayaa sheegtay in bajadka difaaca Iiraan uu ahaa qiyaastii $7.4bn sanadihii 2022 iyo 2023, halka Israa’iil uu ahaa in ka badan kala bar intaas, qiyaastii $19bn.
Faa’iidada teknolojiyadeed
Xogaha IISS ayaa muujinaya in Israa’iil ay heysato 340 diyaarado militari oo diyaar u ah dagaal.
Diyaaradaha waxaa ka mid ah kuwa F-15 oo awood u leh inay masaafo fog wax ka duqeeyaan, kuwa F-35s oo degdeg u weerari kara helikobtarrada.
IISS ayaa ku qiyaaseysa in Iiraan ay leedahay ilaa 320 diyaarado dagaal geli kara. Diyaaradahan waxay heysataa ilaa sanadihii 1960meeyadii waxaana ka mid ah kuwa F-4s, F-5s iyo F-14s (tan dambe waa diyaaradda caanka ka ahayd filimkii 1986 ee Top Gun).
Balse Nicholas Marsh ayaa sheegaya inaysan caddeyn inta diyaaradahan duugga ah ee awooda inay duuli karaan, sababtoo ah in loo helo qeybo lagu dayactiro ayaa aad u adkaan karta.
Intee isku jiraan Iiraan iyo Israa’iil?
Israa’iil ayaa in ka badan 2,100km u jirta Iiraan. Gantaalladeeda ayaa ah kuwa ugu badan ee ay ku weerari karto dalka, sida tifaftiraha Defence Eye Tim Ripley uu u sheegay BBC.
Barnaamijka gantaalaha ee Iiraan ayaa loo arkaa kan ugu weyn uguna horumarsan Bariga Dhexe.
Sanadkii 2022, Jeneraal Kenneth McKenzie oo ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Iiraan ay leedahay in ka badan 3,000 oo gantaallada baliistigga ah.
Sida laga soo xigtay Mashruuca Difaaca Gantaallada ee CSIS, Israa’iil ayaa sidoo kale gantaallo u dhoofisa dhowr dal.
Gantaalaha Iiraan iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn
Iiraan ayaa aad uga shaqeyneysay hannaankeeda gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn tan iyo dagaalkii ay la gashay dalka deriska la ah ee Ciraaq, laga soo bilaabo 1980 to 1988.
Waxay horumarisay gantaalaha riddada dhow iyo kuwa dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaar badan oo ka mid ah ayaa dhowaan lagu ganay Israa’iil.
Falanqeeyeyaasha baarayay gantaalaha lala beegsaday Sacuudiga ee Xuutiyiintu ku ganeen ayaa sheegay in lagu sameeyo Iiraan.
Ciidamada badda
Ciidamada badda ee qaddiimiga ah ayaa heysta ilaa 220 markab, halka Israa’iil ay leedahay ilaa 60, sida laga soo xigtay warbixinta IISS.
Weerarrada internet-ka
Israa’iil ayaa wax badan ku lumineysa marka Iiraan lala barbardhigo marka ay timaaddo weerarka dhanka internet-ka.
Hannaanka difaaca Iiraan ayaa teknoloji ahaan ka horumarsan kan Israa’iil, marka weerar koronto oo lagu qaado militariga Israa’iil ayaa saameyn weyn yeelan kara.
waxaa jiray ilaa 3,380 weerar dhanka internet-ka ah intii u dhaxeysay 7 October iyo dhammaadkii 2023.
Madaxa Ururka Difaaca Rayidka, Jeneraal Gholamreza Jalali, ayaa sheegay in Iiraan ay fashilisay ku dhowaad 200 weerar dhanka internet-ka ah intii lagu guda jiray bishii ka horreysay doorashooyinkii dhowaan.
Bishii December, Wasiirka Shidaalka Iiraan, Javad Owji, ayaa sheegay in weerarka internet-ka uu sababay qalqal guud ahaan dalkaas oo xarumaha shidaalka ah.
Khatarta nukliyeerka
Israa’iil ayaa loo maleynayaa inay heysato hubkeeda nukliyeerka oo u gaar ah, balse waxay joogteysaa siyaasad rasmi ah oo inaan la shaacin ah.
Iiraan looma maleynayo inay heysato hub nukliyeer waxaana, inkastoo eedeymo ay jiraan, ay dafirtaa inay isku dayeyso horumarinta hubkeedan.
Dhulka iyo dadka
Iiraan ayaa aad uga weyn Israa’iil bulshadeedana (ku dhowaad 89m) waxay toban jeer ka badan yihiin tan Israa’iil (ku dhowaad 10m).
Waxay sidoo kale heysataa ilaa askar lix jeer ka badan kuwa Israa’iil. Waxaa jira 600,000 ciidan oo Iiraan ku sugan, halka Israa’iil ay heysato 170,000, sida ay sheegtay IISS.