Markab ayaa lagu soo waramayaa in labo gantaal lagu dhuftay xeebaha dalka Yemen.
Ururka ganacsiga badaha ee UK ayaa sheegay in uu dab ka kacay markabka. Waxaa la sheegay in markabkaasi laga leeyahay dalka Britain.
Ciidamada isbahaysiga ee uu Maraykanku hogaaminayo ayaa ka jawaabaya dhacdadan.
Dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta Yemen ayaa dhowr bilood ka waday weeraro ay ku qaadayaan maraakiibta mareysa badda cas, si ay u taageeraan sida Ay sheegeen β Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.
Xuutiyiinta ayaa mamnuucdayβ maraakiibta Israaβiil, Mareykanka iyo Ingiriiska ee ka imaanaya Badda Cas
Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay in maraakiibta gebi ahaan ama qayb ahaan ay leeyihiin shakhsiyaad ama hayβado Israaβiili ah iyo maraakiibta calanka Israaβiil ay mamnuuc ka yihiin badda cas, gacanka cadmeed iyo badda Carabta.
Xarunta Isku-dubbaridka Hawlaha Baniβaadamnimada ee Xuutiyiinta, oo ah hayβad ay maamusho kooxdu, ayaa bayaan u dirtay caymisyada maraakiibta iyo shirkadaha ka shaqeeya gobolka.
Maraakiibta ay leeyihiin shaqsiyaad ama hayβado Mareykan ama Ingiriis ah, ama ku socda calankooda, sidoo kale waa mamnuuc.
Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii socdaan weerarrada Israaβiil ee Gaza oo carqaladeeyay ganacsiga caalamiga ah ee marinka ugu gaaban ee isku xidha Yurub iyo Aasiya.

