Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      DG Waqooyi Bari oo si adag ugu hadashay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar iyo Fariin ay u direen DFS

      September 16, 2025

      Al-shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Ceeldheer.

      September 12, 2025

      Golaha ammaanka ee Q.M oo cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaaday Qatar

      September 12, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025

      Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in talaabo laga qaado Israa’iil.

      September 12, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

      September 16, 2025

      MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

      September 16, 2025

      Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

      September 16, 2025

      Duqeymo iyo madaafiic ku socda Qasa

      September 16, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xukuumadda Soomaaliya oo Odayaasha Isaaq kala hadashay xadgudunka Itoobiya (Sawirro)

    Xukuumadda Soomaaliya oo Odayaasha Isaaq kala hadashay xadgudunka Itoobiya (Sawirro)

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJanuary 23, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Xildhibaan Saadaad Caliyow ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan wadatashi ah oo looga arrinanayo damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso dhulka Soomaaliyeed kula yeeshay Salaadiinta, Cuqaasha iyo odeyaasha dhaqanka ee beesha reer Sheekh Isxaaq ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Sadaad Caliyow oo madasha ka hadlay ayaa faahfaahiyay kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xiisadda isaga oo intaa raaciyay in kulankan uu yahay in la iska wareysto dhulka uu Muuse Biixi doonayo inuu xaqdarro kusiiyo Itoobiya.

    Dhankooda, Salaadiinta iyo Cuqaasha reer Sheekh Isxaaq ee Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya oo hadallo soo jeediyay ayaa muujiyay dareenkoodu ku aaddan sida ay uga soo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ay ku damacday dhulka iyo badda Soomaaliyeed, ayna ka go’antahay difaaca dalka. Tallaabada Abiy Axmed iyo Muuse Biixina ay tahay mid gardarro ah, iyaga oo umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta iyo Waqooyo ugu baaqay in ay kacaan, iskuna diyaariyaan difaaca dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

    Cuqaasha iyo Salaadiinta beesha reer Sheekh Isxaaq ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in ay lama taabtaan tahay Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo carabka ku dhuftay in masiirka umadda uu mid yahay tan iyo 1960-kii, waajibna tahay ilaalinta bedqabka dhul iyo dad ahaaneed ee Soomaaliya.

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadiisa u mahadceliyay baraarugga odeyaasha dhaqanka reer Sheekh Isxaaq, isaga oo intaa raaciyay in dhaqanka la ciirsado marka xaaladahan oo kale ay jiraan, ayna yihiin lagama maarmaan. Wasiirka ayaa boggaadiyay shacabka ku sugan Somaliland ee difaacay dhulkooda iyo mas’uuliyiinta ka tirsanaa maamulka Muuse Biixi ee xukuumadda uga baxay dhulka Soomaaliyeed ee uu Itoobiya u saxiixay darteed,

    Mudane Axmed Macallin Fiai, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa adkeeyay mowqifka taariikhiga ah Dowladda Federaalka ah ee ilaalinta guud ahaan dhulka Soomaaliyeed, isaga oo u xaqiijyay odeyaasha reer Sheekh Isxaaq iyo shacabka ku sugan Somaliland ee jecel dhulkooda, kana horyimid damaca Itoobiya, in ay Dowladda Soomaaliyeed la garabtaagantahay “Hiil iyo Hoo”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ku eedeysan khal khal gelinta amniga waddooyinka

    September 16, 2025

    MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Amiirka Qatar.

    September 16, 2025

    Shirka Carabta iyo Islaamka oo War-murtiyeed Adag ka Soo Saaray Weerarka Israa’iil ku Qaadday Qatar

    September 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.