Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, ayaa maanta ku fulisay dil toogasho ah ku fulisay Deeq Cabdul Cawil oo 15kii Febraayo ee sannadkii 2024, magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade Axmed Tahliil Xaaji Aadan.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidanka qalabka sida ee 5-ta gobal ee Puntland , taliyaha qaybta booliska gobalka Bari iyo hoggaanka CID gobalka, ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ah lagu fuliyay oo kuyaalla magaalada Boosaaso.
Fagaaraha xukunka dilka ah lagu fulinayay waxaa goobjoog ka ahaa ehelada marxuumka horey loo dilay iyo sidoo kale ehelada ninka xukunka qisaasdta ah lagu fulinayay, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa fagaaraha dilka ka dhacayay dad kale oo u daawasho tagay sida xukunka u dhacayay.
Dilka ganacsadahan loo geestay ayaa ahaa mid salka ku hayay aargoosi qabiil, waxaa sidoo kale magaalada Gaalkacyo muddooyinkan ka dhacayay dilal iyana salka ku hayay aargoosi qabiil , waxaana inta badan baxsada dadka geesta dilalka.