Maxkamad kutaalla dalka Liberia ayaa xukun adag oo xabsi daa’in ah ku riday wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda dalka Liberia Gloria Maya Musu-Scott , oo lagu helay in ay si ula kac ah u dishay qof ehelkeeda ah.
Gloria Maya Musu-Scott oo sidoo kale horey usoo noqotay xaakim ayaa maxkamadda ku heshay in ay ku lug laheyd dil bareer ah oo loo geestay shaqsi lagu magacaabo Carlo Musu oo 29 jir ahaa.
Siyaasiyadan caan ku aheyd u halgamidda xuquuqda haweenka dalka Liberia ayaa hadda ku jirta xabsi kuyaalla dalkaasi, waxaana la filayaa in xukunkan adag ee lagu riday ka qaadato racfaan .
Gloria Maya Musu-Scott oo 70-sanno jir ah iyo saddex dumar oo kale ayaa maxkamadda ku heshay in ay si ula kac ah dhaawac halis ugu geesteen Carlo Musa, oo markii dambe dhaawacaasi u dhintay bishii June ee sannadkii hore.