Xujey reer Nigeria ah oo ka safray magaalada Abuja isla markaana tagay dhulka barakeysan ee Xaramka, ayaa dhigay bannaanbax ay ku muujinayaan sida ay uga walaacsanyihiin lacago gunno ah oo ay xaq u lahaayeen sida ay sheegeen hase-yeeshee aan la siinin.
Dadkaan ayaa sheegay in ay sugayeen in la siiyo lacag dhan 500 oo doollar oo markii hore ay u ballan qaadeen guddiga daryeelka xujeyda ee Nigeria, balse hadda la siiyay oo kaliya 200 boqol oo doollar, taas oo ay ka xumaadeen.
Xujeyda ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in qalad uu ka jiro habka wax loo mamaulay.
Waxay sheegeen in iyaga qudhoodu ay fududeysteen ka hor inta aysan u dhoofin dalka Sacuudiga, taa oo ay ula jeedaan in aaney in ay helayaan iyo in kale.
Mid ka mid ah xujeyda ku sugan magaalada Abuja oo ay BBC-du khadka taleefoonka ku wareysatay ayaa sheegay in cabashadooda ay tahay in markii hore loo ballan qaaday lacag dhan 500 oo doollar, balse markii dambe la siiyay lacag dhan 200 oo doollar, iyadoo loo sheegay in dib laga siin doono.
Waxaanu yiri “Waxay noo sheegeen in sarif la’aanta doollarka ay sabab u tahay in aan la wada siin lacagtii oo dhan, laakiin marka aynu tagno dhulka barakaysan inta hartay nala siin doono oo naloogu baddaalayo Riyaalka Sacuudiga,”.
Wuxuu intaa raaciyay “Markii xujeydii tageen wax walba way is beddeleen, waayo hadda waxay noo sheegeen in gunnadayadu tahay laba boqol oo doollar halkii saddex boqol oo dollar nala siin lahaa,”
Falkan lagu lunsaday dhaqaalaha xujeyda ma ahan oo kaliya mid lagu eedeynayo dowladda federaalka, balse sidoo kale waxaa saameyn ku leh dowlad goboleedyada.
Mid ka mid ah xujeyda oo ka soo jeeda gobolka Nasarawa ayaa BBC-da u sheegay in lacagtaan la’ lunsaday ay saameyn gaar ah ku yeellan doonto dumarka xajinaya . “Hadda, dumarku dhib bay qabaan, waayo dhammaantood waxay ku adeegteen lacagtooda, dhinaca ragga, way yara fududdahay,” ayuu yiri.
BBC-da ayaa la xiriirtay Muxamed Lawan Aliyu, oo ah afhayeenka guddiga daryeelka xujeyda ee magaalada Abuja, kaas oo sheegay in aysan iyagu khaladka lahayn.
Waxaanu yiri “Guddigaa xajka Nigeria waxa ay sheegeen in ay shan boqol oo doollar siinayaan xujeyda, wakhtigaasna waxa ay ahayd 1,250 doollar, laakiin markii aanu bangiga lacag ka soo qaadanaynay waxa nala siiyay lacag dhan 1,530 Naira,”.
“Tani waxay keentay baahida loo qabo in wax laga beddelo qiimaha raashinka ee xujeyda, waayo haddii la xisaabiyo sida loo heli karo, waxaad arkaysaa in halkii markii hore shan boqol oo doollar ay ahayd, hadda xaaji kasta uu helayo 415 doollar.
Waxa uu sheegay in Guddida Xajka Qaranku ay ka warbixiyeen dhibaatadan, waxaana uu balan qaaday inay ka qaadi doonaan talaabada ku haboon arrintaan si wax looga qabto.
Guddiga arrimaha xajka Nigeria ayaa horey u sheegay in hal milyan iyo sagaal boqol oo kun oo ah lacagta dalkaasi ay ku kordhiyeen qiimaha qofku ku xajinayo,halka hadda qarashka ku baxaya qofkii uu gaarayo lix milyan iyo 800 oo kun oo ah lacagta naira ah.
Guddiga ayaa sheegay in arrintan ay ka dhalatay sare u kac ku yimid qiimaha doollarka oo lagu jaan-gooynayo dhammaan waxyaabaha ay xujeydu u baahan yihiin.
Inta badan kiisaska, xujeyda Nigeria ayaa ku saabsan cabasho la xiriirta gunnooyinka ay qaataan oo mararka qaarkood la dhimo ama ay jiraan dad leexsada.
Muslimiin badan ayaa ku sii qulqulaya dhulka barakeysan ee Xaramka kuwaas oo doonaya in ay soo gutaan waajibaadka xajka oo ka mid 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.
Nigeria waxaa ay ka mid tahay meelaha Muslimiinta badan ka xajiyaan sanad walba, iyadoo mararka qaar ay dhacaan caqabado ay wajahaan dadka xajinaya kuwaas oo ku saabsan qarashaadka, safarka iyo mararka meelaha la dejiyo oo Xaramka ka fog.