Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya , gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ee ku sugan deegaanka Goof Gaduud ee gobolka Baay, ayaa maanta soo bandhigay xubno kasoo goostay kooxda Al Shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka xoogga dalka.
Raggan kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lagu kala magacaabo Roobow Cabdiyow Xasan iyo Nuurow Tukow Manuur , ayaa in muddo ah waxa ay katirsanaayeen kooxda Al Shabaab, waxa ayna sheegeen raggan in ay go’aansadeen in kooxdaasi isaga soo baxaan iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda.
Waxa ay sheegeen labadan nin ee kasoo goostay kooxda Al Shabaab in ay tababaro kusoo qaateen degmada Bu’aalle ee gobolka Jubbada Dhaxe, waxa ayna xuseen in ay kasoo qeyb qaateen dagaallo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.
Taliyaha Ururka 47-aad ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS L/X/le Ahmed Maxamed nuur ( Ahmed Dhagey), ayaa warbaahinta u sheegay labadan nin ee kasoo goostay Al Shabaab xiriir lasoo sameeyeen sidaasna kusoo dhaweeyeen, waxa uuna xusay in ay usii gudbin doonaan hay;adaha ku shaqada leh.
Ciidanka xoogga dalka , ayaa marar badan soo dhaweeyay xubno kasoo goostay kooxda Al Shabaab iskuna soo dhiibay ciidanka dowladda, waxaana xubnahaasi la geeyaa xarumo gaar ah oo loogu tala galay in lagu dhaqanceliyo xubnaha kasoo baxa Al Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com