Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

    June 1, 2025

    DEG DEG Madaxweyne soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay

    June 1, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      DEG DEG Madaxweyne soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay

      June 1, 2025

      DEG DEG Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha NISA

      June 1, 2025

      Trump oo loo ogolaaday in uu sharciga kala laabto 500,000 oo soo-galooti ah

      May 31, 2025

      Geeridooda oo la xaqiijiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.

      May 30, 2025

      Madaxweynaha Somaliland oo maanta u safraya dalka Kenya

      May 26, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

      June 4, 2025

      Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

      June 1, 2025

      DEG DEG Madaxweyne soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay

      June 1, 2025

      DEG DEG Mahad Salaad oo mar kale loo magacaabay Agaasimaha NISA

      June 1, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xogta Soomaalida guusha ka gaartay doorashooyinkii Maraykanka

    Xogta Soomaalida guusha ka gaartay doorashooyinkii Maraykanka

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comNovember 8, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Doorashada Maraykanka ee maalmo ka hor dhacday waxay aad indhaha caalamka u hayeen tartanka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee loollanka uu ku dhex maray labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqaraadiga.

     

    Balse waxaa kaloo jira xilal kale oo loo tartamay, kuwaasoo isugu jira heer federal iyo heer gobol, waxaana ka mid ah kuraasta senetka, kuwa aqalka wakiillada iyo kuwa baarlamaannada gobollada.

    Soomaalida xaqa u leh inay ka qayb galaan doorashooyinkaas ayaa qaarkood waxay u istaageen inay u tartamaan kuraastaas, waxayna intooda badan ka soo galeen tartanka labada gobol ee ay Soomaalidu u badan yihiin ee Minnesota iyo Ohio.

     

    Haddaba waxaan eegi doonnaa qaar ka mid ah siyaasiyiintaas oo isugu jira kuwo siyaasaddaa ku cusub iyo qaar kuraastooda dib u soo ceshtay.

    Ilhaan Cabdullaahi Cumar waa shaqsiga kaliya ee u tartamay xil federal.

    Siyaasiyaddan 43jirka ah waxay aqalka wakiillada xubin ka ahayd tan iyo 2019, waxayna kursigeeda difaacatay 4 doorasho oo codbixin dadweyne ahaa.

     

    Xilligaa ka hor waxay xubin ka ahayd aqalka wakiillada ee gobolka ee gobolka Minnesota, ayadoo ka soo geli jirtay degmada 60B.

    Ilhaan Cumar waxaa lagu xusuustaa inay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ka soo jeedda ee xubin ka noqota Koongareeska Maraykanka.

    Laakinse muddo xileedkii ugu horreeyey madaxweyne Donald Trump ayey aad isku dhaliileen, ayagoo fagaarayaasha iska cambaareyn jiray.

    Ilhaan waxay isbahaysi adag la samaysatay siyaasiyiin kale oo Koongareeska xubno ka ahaa, kuwaasoo ku magac dheer ‘the squad’.

    Fikradda kooxdaas ayaa u janjeerta siyaasadaha garabka bidix, waxaana loollanki adkaa ee dhex maray ayada iyo Trump uu keenay in Ilhaan laga saaro sannadkii hore guddiga arrimaha dibadda ee aqalka wakiillada oo ay xubin ka ahayd.

    Ilaa hadda Ilhaan waxaa loo arkaa siyaasiga ugu shacbiyadda badan siyaasiyiinta Soomaalida ee Maraykanka

    Maxamuud Nuur waa siyaasigii xilka kala wareegay Ilhaan Cumar, wuxuuna xafiiska la wareegay Bishii Janaayo 2019.

    Waa 45 jir xaasle ah, waana aabbe dhalay 4 carruur ah, isagoo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga wuxuuna hadda soo ceshtay kursigii degmada 60B.

    Muddadii uu siyaasadda ku jiray wuxuu xubin ka soo noqday guddi hoosaadyada aqalaka wakiillada gobolka Minnesotta ee qaabilsan Waxbarashada, maaliyadda, sharciga iyo siyaasadda.

    Wuxuu kaloo aad ugu ololeeyey, wakhti badanna geliyey arrimaha caafimaadka, helitaanka shaqooyinka iyo guryaha, iyo caawinta dadka sharci darrada ku soo gala Maraykanka.

    Ka hor intii uusan siyaasadda ku soo biirin wuxuu hawlo ka soo qabtay ururrada jaaliyadda Soomaalida.

    Samakaab Xuseen waa 44 jir dhowr sano ku jiray siyaasadda gobolka Minnesota, Gaar ahaan magaalada Saint Paul, waana aabbe dhalay laba carruur ah.

     

    Wuxuu siyaasadda soo galay 2022 markii gabadhii golaha wakiillada ee gobolkaas xubinta uga ahayd degmadiisa Ramsey county aysan tartamayn. Wuxuu iminka xubinka yahay guddiga maaliyadda ee qaabilsan maalgelinta, dhaqaalaha lagu dhiso guryaha iyo shaqooyinka.

    Samakaab wuxuu xisaabaadka iyo ganacsiga shahaadada 1aad ka qaatay Saint Mary’s University of Minnesota, isagoo shahaadada labaad ee ah hogaaminta siyaasaddana ka qaatay Metropolitan state university sannadki hore.

    Ancaam Maxamuud Waa 35 jir ka soo shaqaysay arrimaha caafimaadka ee magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St Paul, gaar ahaan maamulka daryeelka xanuunnada dhimirka.

    Waxay ku soo kortay, waxana ku soo baratay dalka Maraykanka oo la geeyey ayadoo 8 jir ah.

    Degmada ay hadda ku guulaysatay ee 62B waxaa hore uga soo geli jirtay Hodan Xasan, waxayna guusha Ancaam suurtogal noqotay markii ay ku dhawaaqday Hodan in aysan doorasho u soo istaagai doonin, ka dib seddex xilli doorasho oo ay degmadaas ka soo galaysay aqalka wakiillada ee gobolka.

    Muniira Yaasiin Cabdullaahi waa gabadhii ugu horreysay ee muslim ah ee xubin ka noqota aqalka wakiillada ee gobolka Ohio, waana siyaasiyad ka soo gasha degmada 9aad.

    Waxay guusheedii ugu horreysay gaaratay isreebreebkii Agoosto 2022, waxayna gool aysan cidna ka hor imaanin ku guulaysatay doorashooyinkii guud ee Nofeembar 2022.

    Ayadoo 3 jir ah ayey qoyskeedu soo degeen Maraykanka, gaar ahaan magaalada Columbus, halkaas oo ay iskuul iyo jaamacadba ka gashay, waxayna cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ka baratay jaamacadda Ohio State University.

    Ismaaciil wuxuu sida Muniira ku guulaystay inuu aqalka wakiillada ee Ohio ka soo galo degmada 3aad.

    Isaga iyo Muniira waxay noqdeen labadii qof ee Soomaali – Ameerikaanka ahaa ee ugu horreeyey ee aqalka wakiillada ee Ohio ku biira.

    Markii ugu horreysay ee uu aqalka wakiillada ku biiro ayaa ahayd Janaayo 2023.

    Shahaadada 1aad iyo tan 2aad ee sharciga ayuu ka qaatay Ohio State University 2013 iyo 2017, wuxuuna ka tirsan yahay xisbiga Dimoqaraadiga.

    Isha BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

    June 1, 2025

    DEG DEG Madaxweyne soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay

    June 1, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG: Dagaal Qaraxyo ku bilaawday oo ka socda deegaanka Ceel-hareeri

    June 4, 2025

    Raiisulwasaare Hamze iyo taliyaha cusub NISA Mahad Salad oo goordhow u ambabaxay dalka Jabuuti

    June 1, 2025

    DEG DEG Madaxweyne soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay

    June 1, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.