Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweyne Deni oo bil kadib soo dhaweeyay Golaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

      June 15, 2025

      MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XILKA AGAASIMAHA NISA U WAREEJIYEY MUDANE MAHAD MAXAMED SALAAD

      June 14, 2025

      RW Xamse oo daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad.

      June 14, 2025

      DEG DEG Ciidanka Puntland oo qabtay nin u dhashay Turkiga oo Daacish katirsanaa.

      June 14, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

      June 18, 2025

      DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

      June 18, 2025

      DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

      June 18, 2025

      DEG DEG Dagaalka u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil wuxuu cabsi ku abuuray

      June 18, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xogta heshiis cusub oo Israel ay aqbashay iyo Joe Biden oo farriin u direy Xamaas

    Xogta heshiis cusub oo Israel ay aqbashay iyo Joe Biden oo farriin u direy Xamaas

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 1, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xilli ay ciidamada Israa’iil ay sii wadaan duqaymaha ay ka geysanayaan gudaha magaalada Rafax ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu ku dhowaaqay heshiis cusub oo Israel ay aqbashay.

    Heshiiskan oo Biden uu gadaal ka riixayo ayaa ah mid xabbad-joojineed oo saddex weji leh, kaasi oo ay aqbashay Israa’iil, waxaana heshiiskaas ku jira in marka hore la joojiyo dagaalka muddo lix toddobaad ah, taasi oo looga gudbi doono wejiyo kale oo sahli doona in la gaadho heshiis xabbad-joojineed oo rasmi ah.

    Wajiga koowaad waxaa ku jiri doona “xabad joojin buuxda oo dhameystiran,” ayuu sheegay Biden, xilli uu hadal ka jeedinayey Jimcihii Aqalka Cad ee Maraykanka

    Heshiiskan haddii la isla afgarto ayay ku jirtaa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan dhammaan goobaha ay dadku ku badan yihiin ee ku yaalla marinka Gaza, lana sii daayo qaar ka mid ah la haystayaasha, oo ay ku jiraan haweenka, waayeelka, dadka nugul iyo muwaadiniinta Maraykanka ah, halka dhinaca kalena la sii dayn doono boqollaal falastiiniyiin ah oo ku xidhan jeelasha Israa’iil.

    Intaa waxaa dheer, Israa’iil inay ogolaan doonto in gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah la geeyo marinka Qaza iyo in muwaadiniinta Falastiiniyiintu ay dib ugu laabtaan guryahooda laga barakiciyey oo ay ku jiraan Woqooyiga Qaza.

    Marka la dhaafo heshiiska xabbad-joojinta ee soconaya muddada lixda toddobad ah, Biden ayaa ka digay in hore loo socdaa inay noqon doonto mid aad u adag.

    Wuxuu sheegay in haddii uu si daacad ah u hadlo jnay jiraan waxyaabo kala duwan oo oo ay tahay in laga wada-hadlo si looga dhaqaaqo wejiga koowaad, looguna gudbo wejiga labaad.

    Madaxweyne Biden ayaa sheegay in illaa inta wada-xaajoodyadu ay socdaan, si kasta oo ay ahaataba in xabbad-joojintu ay socon doonto, xittaa haddii wada-hadaladu ay soo jiitamaan muddada lixda toddobaad ee hore ee la qorsheeyey, isaga oo wacad ku maray in dhexdhexaadiyayaasha ka kala socda Maraykanka, Masar iyo Qatar inay sii wadi doonaan illaaa laga gaadhayo heshiis rasmi ah.

    Biden ayaa sheegay in wejiga labaad lagu sii dayn doono dhammaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, oo ay ku jiraan ciidamada laga qabsaday Israa’iil.

    Halka ciidamada Israa’iil ay iyaguna ka bixi doonaan marinka Qaza. Biden ayaa intaas raaciyey in Israa’iil ay si dhamaystiran u joojin doonto colaadda, illaa inta Xamaas ay ka soo baxayso ballaanqaadyadeeda.

    Biden ayaa sheegay in wejiga saddexaad oo ah kan ugu dambeeyaa inuu ka kooban yahay qorshe ballaadhan oo dib loogu dhisayo marinka Qaza, iyada oo meydadka la haystayaasha wixii ku hadhay dhinaca Qazana loo gudbin doono eheladooda.

    Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa la isku mari waayay wada-hadalada u dhexeeyey labada dhinac, iyada oo dhinac waliba uu ku eedaynayey dhinaca kale.

    Khamiistii ayay ahayd markii ay Xamaas sheegtay inay dhexdhexaadiyayaasha ku wargelisay inay diyaariyeen heshiis dhamaystiran oo ay ku jiraan in maxaabiista la isdhaafsado, haddii Israa’iil ay joojiso dagaalka.

    Biden ayaa ugu baaqay Xamaas inay aqbalaan heshiiskan cusub.

    Inkasta oo Maraykanku uu soo bandhigay in la gaadho heshiis nabadeed ama ay hore uga digeen in Israa’iil ay weerarto Rafax, ama xataa maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay uga digtay Israa’iil inay sii waddo weerarka Rafax, haddana waxaa xaqiiqo jirta in Israa’iil ay sii ballaadhinayso weerarkeeda, iyada oo ciidamadoodu ay sheegayaan inay halkaas ka socdaan hawl-gallo kala duwan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Turkey oo cabsi ka qabo Isreal kuna dhawaaqay

    June 18, 2025

    DEG-DEG | Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ku dhawaaqay weerar culus oo cusub:

    June 18, 2025

    DEG DEG Dalalkii ugu badnaa oo garab istaag u Muujiyay Iran.

    June 18, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.