Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan ka wada furinta hore ee dagaalka, kadib markii uu shalay gaaray deegaanka Wargaadhi ee Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha oo u kuur-galaya xaaladda ciidamada qalabka sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaankaas kulan kula qaatay odayaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.
Mudane Xasan ayaa kala hadlay odayaasha Wargaadhi doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isaggoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray saldhigga milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka.
Saldhigan ayaa waxa kale oo muhiim aad u yahay dhammaystirka howl-galka dalka lagaga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, kaasi uu hadda dardar-gelinayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhawaan ayaa filayaa inuu si rasmi ah u bilowdo wejiga labaad ee dagaalka oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday.
Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah.
Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa in kooxda looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda weli ku xoogan tahay.