Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Lloyd James Austin ayaa la sheegay in lagu baxnaaniyo Isbitaalka Milliteriga ee The Walter Reed National Hospital ee Gobalka Maryland, oo Jiho ahaan dhanka W/Galbeed ka xiga magaallada Washington DC.
Barta Internetka ee Telefishinka NBC News waxa uu ka soo xigtay 2 Sarkaal oo ka tirsan Maamulka Maraykanka inuu Xoghaye Lloyd Austin la dhigay Isbitaalka, isagoo Qeybta Daryeelka Khaaska ee Intensive Care Unit (ICU) ku jiray muddo Afar maalmood ah.
Isniintii hore oo ay taariikhdu ahayd Kowda January ayaa la dhigay Isbitaalka, kadib, markii uu cabasho xanuun ka keenay Habraaca Daawooyin loo qoray oo u socday, iyadoo Qaliin lagu sameeyey.
Xoghayah Warfaafinta ee Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon, Sareeye Gaas Pat Ryder ayaa waxa uu xalay oo Jimco ahayd si rasmi ah u shaaciyey in Lloyd Austin well ku jiro Isbitaalka Milliteri ee The Walter Reed National Medical Center.
Isbitaalka la dhigay Lloyd Austin oo 70 jir waxay ku soo beegantay Xilli ay Xiisado Colaadeed ka aloosan yihiin Mandiqada Bariga Dhexe, kadib, Dagaalka XAMAAS iyo Israel weli ku dhex marayo Deegaanada Marinka Qasa ee dhulka Falastiin.
Tan iyo inta uu ka soo bogsanayo Lloyd Austin waxaa Hawlaha Wasaaradda Difaaca Maraykanka sii rasmi ahaan u wadi doonta Ku-Xigeenkiisa, Kathleen Anne Holland Hicks.
Si kastaba, Khamiistii la soo dhaafay, Madaxweyne Joe Biden iyo Xoghaye Lloyd Austin waxay bixiyeen Amarkii Duqeynta ee lagu dilay Taliye Maleeshiyo taabacsan dowladda Iran oo ku sugnaa Caasimada dalka Iraq ee Bagdad.
Dowladda Iraq waxay cambaaraysay Dilkaasi, iyadoo Guddi u xil saartay Qorshaha Degdega ee ciiddanka Caalamiga ee Isbahaysiga Milliteri ee Maraykanka uga wada huleeli lahaayeen gudaha dalkaasi.