Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho lama filaan ah ku tagaya dalka Baxreyn si uu ula kulmo boqorka Baxreyn Hamad bin Isa Al Khalifa, taasoo qeyb ka ah safarkiisii ββugu dambeeyay ee bariga dhexe si uu u qaboojiyo xiisada gobolka ee ka dhalatay duulaanka militari ee Israel ay ku qaaday Gaza.
Blinken wuxuu ku laaban doonaa Tel Aviv, Israel, habeenka Arbacada.
Diblomaasigan sare ee Maraykanka ah ayaa ilaa hadda safarkiisan ku tagay dalalka UAE, Saudi Arabia, Turkey, Greece, Jordan, Qatar iyo Israel. Sidoo kale waxa uu magaalada Ramallah ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas.
Safarka uu ku tagay magaalada Tel Aviv, waxa uu si cad ugu sheegay xukuumadda Israel in Falastiiniyiinta loo ogolaado inay dib ugu laabtaan guryahoodii Qaza iyo in golaha wasiirada ee Raβiisal wasaare Benjamin Netanyahu ay u dhaqaaqaan xal laba dawladood ah.
Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay sii kordhayaan qaylo dhaanta caalamiga ah ee ku aaddan tirada sii kordhaysa ee dadka rayidka ah ee ay Israaβiil ku dishay weerarrada Gaza, iyo baaqyada wasiirrada Israaβiil ee midigta-fog ee ku aaddan dib-u-dejinta Falastiiniyiinta oo ka baxsan dhulka ay goβdoomiyeen.
Madaxweynaha Israaβiil Isaac Herzog ayaa sheegay in dib u dajinta Falastiiniyiinta ee Gaza ay tahay βmid toos ah, si rasmi ah oo aan leexleexad lahaynβ ma aha mowqifka Israaβiil.
Si kastaba ha ahaatee, hadalladooda ayaa waxaa cambaareeyay Mareykanka, saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay iyo dhowr waddan oo Carbeed.

