Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Xog: Qaabkee loo dilaa saraakiisha ciidamada DF? 6 sarkaal oo lagu dilay labo sano

    Xog: Qaabkee loo dilaa saraakiisha ciidamada DF? 6 sarkaal oo lagu dilay labo sano

    By radiohalgan.comMarch 24, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa labadii sano ee ugu dambeysay galaafta nolosha saraakiil sare oo muhiim ahaa, kuwaas oo lagu dilay weerar isku nooc ah, hadaba maxaa is bedelay?

    Dowladda Soomaaliya labo xilli ayey si weyn ula dagaalantay kooxda Al-Shabaab, labada jeerba waxaa xukunka joogay madaxweyne Xasan Sheekh, balse muddo xileedkaan waxaa sii badaneysa saraakiisha lagu dilayo dagaallada.

    Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, dowladda Soomaaliya waa ka gacan sareysay Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay xiligaas in laga saaro degmooyin qadiimi ah iyo deegaamo muhiim ah, iyadoo khasaare badan uusan soo gaareynin ciidanka dowladda.

    Hadda dowladdu waxay gaari la’dahay qaar ka mid deegaanadii ay Shabaab ka xoreysay 10 sano ka hor, sida Ceelbuur, dagaal kasta oo dhaca khasaaraha ugu badan wuxuu gaaraa ciidanka, halka markii hore dagaal kasta lagu jebi jiray Shabaab-ka.

    Caasimada Online waxay baartay qisada ka dambeysa qabadda dagaalka ka heysta dowladda ee mar kasta ciidanka loo jebiyo, waxaana soo baxday in Shabaab bedeleen qorshahooda dagaalka, halka dowladdu aysan bedelin sidii ay ula dagaalami jirtay Al-Shabaab.

    Markii laga soo tago dejinta kaartooyinka dagaal ee Shabaab iyo dowladda, waxay cadeyno buuxa loo helay Shabaab aysan ku dagaalamin deegaanada ay ku weeraraan ciidamada dowladda.

    Markii ciidanku weeraro deegaan waxaa isaga baxda kooxda Al-Shabaab todobaadyo ama maalmo kadib ayey dib u soo weeraraan, iyagoo mar kasta ku jebiya ciidanka.

    Weerarrada ay fuliyaan Al-Shabaab waxay dhacaan hal waqti, sida inta aan la gaarin salaadda Subax, waxayna ku bilaabaan qaraxyo ay ku argagax geliyaan ciidanka, taasi waxay ka saamaxdaa in ciidamada dowladda ay ku jebiyaan dagaallada.

    Weerarkii ugu dambeeyey wuxuu shalay ka dhacay deegaanka Busley oo qiyaastii dhowr iyo 40 KM koonfur ka xiga Muqdisho, halkaas waxaa lagu dilay sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan, waxaana ciidanka qaranka looga furtay gaadiid dagaal.

    Tan iyo markii uu bilowday dagaalkaan labo sano ka hor dowladda Soomaaliya waxay ku weysay ugu yaraan lix sarkaal oo kuwii ugu waaweynaa ah ciidanka qaranka, waxaana saraakiisha shahiiday mudadii dagaalkaan lagu jiray ka mid ah:

    Jeneraal Farxaan maxamuud Aadan (Qaroole) oo 30-kii bishii Sebtembar ee sannadkii 2022 lagu dilay deegaanka Basra ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Benaadir.

    Korneyl Abshir Xasan Shataqey 17-kii Janaayo ee 2023 ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Xawaadley ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa sarkaalkkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamayey furintaas.

    Gaashaanle Xasan Tuure ayaa 20-kii bishii Janaayo ee 2023 lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey aagaas, sidoo kale wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada kumaandoosta ah ee Danab.

    Agoosto 2023 Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) oo ahaa taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab ayaa β€˜nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamay Cowsweyne.

    6-Janaayo 2024 waxaa duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug lagu dilay Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug), wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamadii ka dagaalamayey koonfurta gobolka Mudug.

    Shalay oo aheyd 23-kii bishan Maarso 2024 Gaashaanle Liibaan Golcad ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Busley gobolka Shabeellada Hoose oo hoos taga degmada Afgooye, Liibaan wuxuu ahaa sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.