Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025

      DEG DEG Guddiga Doorashooyinka Somaliya Oo Shaaciyay in Khuburo Reer Somaliland ah ka Caawinayaan

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Dood ka taagan diyaarad weyn oo hadiyad ahaan loo siinayo Trump

      May 13, 2025

      DEG DEG Dowladda Turkiga ayaa sii daysay barnaamij gaara oo lagu caawinayo

      May 10, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

      May 13, 2025

      Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

      May 13, 2025

      Muqdisho oo caawa Marti-gelinayaa Munaasabadda Daahfurka Urur Siyaasadeedka ku mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo saddex dowlad goboleed

      May 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xog: Maxa ka jira in muddo kororsi kale loo sameynayo madaxda dowlad goboleedyada?

    Xog: Maxa ka jira in muddo kororsi kale loo sameynayo madaxda dowlad goboleedyada?

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comOctober 3, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ajendihiisa laga helayaa xogo hordhac ah oo ku saabsan qodobada miiska saaran ee la filayo in madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay ka wadahadlaan.

    Wararka soo baxaya waxay sheegayaan inay suurtagal tahay in lagu heshiiyo in muddo kordhin kale loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada oo la gaarsiiyo November 2025-ka, waana qorshe uu wato Xasan Sheekh, madax-goboleedyaduna ay dantooda ka dhex arkaan.

    Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu damacsan yahay in muddo kordhintaas kadib ay dowlad goboleedyada ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo doorashada uu qaba doono guddi doorasho oo wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay soo magacaabi doonto.

     

    Ajendayaasha shirkaan ee aan la sheegin, balse Madaxtooyadu wadato waxaa ka mid ah in la ansixiyo dhismaha guddi qaran oo qaban doona doorashooyinka dalka, iyadoo la kala dirayo guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada.

    Sidoo kale waxaa la qorsheeyey in shirkaan lagu taageero dib u eegista dastuurka dalka cutubyo kamid ah ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya iyo in la ansixiyo qodobadii horay loogu heshiiyey ee sheegayey in la qabto doorashooyin dadweyne.

     

    Lama oga sida ay suurtagal ku noqon doonto, dadka iyo siyaasiyiinta xil-doonka ahna loogu qanci doono inay xukunka sii joogaan madaxda dowlad goboleedyada mudada dheer kursiga joogay oo horay u sameystay dhowr jeer muddo kororsi.

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa yiri “Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.”

     

    Xasan Kheyre ayaa sheegay in sharciyaddu ay tahay ‘ruuxda dowladnimada’ isla markaana uu xusayo dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka rasmiga ah.

    “Khibrad nagu filan ayaan u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharci darro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka,” ayuu yiri Kheyre.

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay in jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan uu yahay in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

    May 14, 2025

    Xassan Shiikh oo ku dhawaaqay Xisbi cusub (Sawirro)

    May 13, 2025

    Madaxweynaha Hirshabelle oo ku biiray ururka siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka

    May 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.