Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

    Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

    By radiohalgan.comApril 11, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa.

    Bate Urgessa, oo ka tirsanaa xisbiga Jabhadda Xoreynta Oromia (OLF), ayaa bishii tagtay lagu sii daayey damaanad kadib markii lala xiray saxafi u dhashay Faransiiska Antoine Galindo.

    41-jirkan ayaa waxaa mar kale goor dambe oo Talaadadii ah xiray “ciidamo hubaysan oo kuwa dowladda ah,” isagoo ku sugan hoteel ku yaalla magaalada Meki, oo 150 km u jirta koonfurta caasimadda Addis Ababa, waxaa sidaas AFP u sheegay afhayeenka OLF Lemi Gemechu.

    Waxaa kadib muddo kooban loo kaxeeyey xarun dadka lagu hayo oo ku taal magaalada,” ayuu yiri Lemi.

    “Qoyksa Bate ayaa xaqiijiyey in meydkiisa laga helay waddo ku taalla meel lagu magacaabo Melissa, dhacda duleedka magaalada Meki,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la toogtay.

    Meydka ayaa waxaa la helay subaxii Arbacada, ayuu yiri, wuxuuna intaas raaciyey inaysan sheegi karin in ciidamada xiray Bate ay ka tirsanaayeen ciidamada federaalka ama kuwa dowladda gobolka.

    Weli ma jiro war kasoo baxay dowladda federaalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay inaan la aqbali karin isku dayga loogu eedeynayo “khaarajinta” Bate.

    “Maamulka Gobolka Oromia waxa uu si adag u cambaareynayaa dilka Bate Urgessa, kaas oo ay fuliyeen qolo aan haybtooda la aqoonsan,” ayuu maamulka ku yiri boggooda rasmiga ah ee Facebook.

    Ururka OLF, oo isu arka inii yahay codka shacabka Oromada, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka war heleen geerida ayna tahay “xanuun iyo murugo aad u daran”.

    Dilka aan loo meel dayin ee sharci-darrada ah ee ka dhanka ah kuwa ugu firfircoon siyaasadda iyo dhaqanka Oromada waa fal qorsheysan oo mas’uuliyad-darro ah oo lagu aamusinayo Oromada, soona socday sannado iyo tobaneeyo sano,” ayuu yiri OLF.

    Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) — oo ah guddi madax-banaan kuna xiran dowladda — ayaa Arbacadii ugu baaqay dowladda dhexe iyo tan gobolka inay “baaritaan deg deg iyo dhex-dhexaad ah oo buuxa” ku sameeyaan dilka Bate

    “La xisaabtama dambiilayaasha,” ayuu madaxa EHRC Daniel Bekele ku qoray barta X, ee hore loogu yaqiin Twitter.

    Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale samaysay codsiyo taas la mid ah.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.