Close Menu
    What's Hot

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

      February 5, 2026

      DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

      February 5, 2026

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

      February 5, 2026

      Koonfur Galbeed Oo ku Hanjabtay in ay soo Afjari doonto Dagaalka Baydhabo

      February 5, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Xog dheeraad ah oo ka soo baxday markab lagu afduubtay biyaha Soomaaliya iyo cidda haysata oo la ogaaday

    Xog dheeraad ah oo ka soo baxday markab lagu afduubtay biyaha Soomaaliya iyo cidda haysata oo la ogaaday

    By radiohalgan.comMarch 13, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email
    12 Maarso 2024

    Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo amaanka badda lagana leeyahay dalka Britain laguna magacaabo Ambrey ayaa sheegtay in markab maraayay xeebaha Soomaaliya ay koox hubaysani la wareegeeen.

    Sidoo kale Hay’adda La socodka Howgalada Ganacsi ee Badda ee Ingiriiska ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno (UKMTO) ayaa iyadana sheegtay in gacan ku haynta markabka lagula wareegay meel dhanka bari kaga beegan magaalada Muqdisho 600 oo Nautical Mile oo dhiganta 1,111 KM.

    Ambrey waxay sheegtay in tirada dadka markabka la wareegay ay dhanaayeen 20 qof, markabkuna uu watay calanka dalka Bangladesh. Isagoo kusii jeeday magaalada Hamriya ee dalka Imaaraadka Carabta kana yimid Caasimaddda Maputo ee dalka Mozambique.

    Xaalka shaqaalahii markabka saaraa ayaanse la ogeyn siduu yahay, waxanaa jira warar is khilaafsan oo sheegaya halkeey aadeen. Ayay warbixinta ku sheegtay Ambrey.

    Markabkan hadda la afduubtay, ayaa waxaa saaraa sida la sheegay dhuxul waxaana markabka lagu magacaabaa MV Abdullah.

    Warbaahinta Bangladesh ayaana sheegtay in ay saaraayeen 23 qof oo dhammaantood u dhashay dalka Bangladesh.

    Sidoo kale waxay warbaahinta Bangladesh sheegtay in markabka dadkii saaraa ay lasoo xidhiidheen maamulka shirkadda ayna nabad qabaan.

    Maamulaha shirkadda oo u waramay warbaahinta gudaha dalkaas ayaa sheegay in xiriir uu ka helay kabtanka markabka.

    Shirkadda ayaa warbaahinta u xaqiijisay in cidda afduubatay markabka ay tahay burcad-badeed Soomalai ah, ayna markabka la aadeen meel aan ahayn jihadii uu u socday.

    Burcadda ayuu sheegay in ay la soo xiriireen iyaga oo madax furasho dalbanaya.

    Shirkadda ayaa sheegtay in ay isku dayayaan sidii ay ku soo badbaadin lahaayeen shaqaalaha iyo markabkaba, iyaga oo sheegay in ay khibradd fiican u leeyihiin sida looga hortago dhacdooyinka nuucaan oo kala ah.

    Buracadda Soomaaliya ayaa la soo tabinayay baryihii ugu dambeeyay in ay afduubanayeen doomo kaluumeysi, kuwaas oo ay doonayeen in ay ku soo qabtaan maraakiibta waawayn ee badwaynta dul mushaaxaya.

    Labo askari oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Puntland oo ku sugan tuulada Ceelaayo.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Labo askari oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Puntland oo ku sugan tuulada Ceelaayo.

    Haddii warbixintan la xaqiijiyo waxay shidaalinaysaa cabsida laga qabo dib-u-dhalashada budhcad badeeda ee badweynta Hindiya.

    Budhcad badeeda ayaa xeebaha Soomaaliya Khalkhal ku galiyay maraakiibtii maraysay horaantii 2008-da iyadoon, balse howlgalo balaadhan oo ay siwadajir ah u sameeyeen dowladaha reer galbeedka ayaa hoos u dhigay weeraran iyadoo 2014-kii lagu guuleystay in budhcad badeeda howlgaladooda iyo dhaqdhaqaaqooda la joojiyo, kadib maraakiib badan oo ay afduubteen malaayiin lacag ahna ka qaadeen.

    Bishii December labo dhacdo ayaa lagasoo wariyay xeebaha Soomaaliya. Mid waxuu la xidhiidhay markab ganacsi oo ay ku weerareen meel u dhow magaalada xeebta magaalada Eyl ee gobolka Bari. Midka kalena waxuu ahaa markab sitay calanka dalka Malta kaas oo isna la afduubtay una dhaqaaqay ugu danbayn xeebta Soomaaliya.

    Biyaha Soomaaliya ayaa lagu arkay sare u kac budhcad badeedda sanadkii 2011-kii Hay’adda Qaramada Midoobay ayaana sheegtay in 160 weerar oo maraakiibta lagu qaaday la diiwaangeliyay. Weerada ayaase hoos u dhacay kadib markii howlgalo ciidamada Maraykanka iyo kuwa xulafadiisa ah ay yimaadeen biyaha Soomaaliya.

    Rag ka tirsan budcad badeeda Soomaaliya oo ilaalo kaga jirta xeebta magaalada Hobyo sawirka: January 4, 2010 Getty Images

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Rag ka tirsan budcad badeeda Soomaaliya oo ilaalo kaga jirta xeebta magaalada Hobyo sawirka: January 4, 2010 Getty Images

    Markabkaan la afduubtay ayaa la sameeyay sanadkii 2016-kii waxaana markiisii koobaad loo bixiyay β€˜Golden Hawk’ kadib markuu ku biiray maraakiibta shirkadda SR Shipping, sanadkii teggay ayaana loo bixiyay magaca β€˜MV Abdullah’.

    Isla shirkadaan markab keeda ah oo lagu magacaabo MV Jahan Moni ayaa xebaha Soomaaliya lagu afduubtay 5-december 2010 kii, madax furasho ay weydiisteen budhcaddu markii la bixiyayna markabka ayay sii daayeen burcaddu.

    Afduubka markabkaan ayaana imaanaya xilli maraakiibta maraysa Gacanka Cadan ay sidoo kale weeraro joogto ah kala kulmaya weerar joogto ah Xuutiyiinta Yemen.

    Qabsashada markabkana waa kii labaad ee sanadkaan lagasoo tabiyo xeebaha Soomaaliya.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Gudoomiyaha Dhalinyarada Doowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa si adag uga

    February 5, 2026

    DEG DEG Dagaal Culus ayaa dib ugu qarxay magaalada Baydhabo

    February 5, 2026

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Farmaajo, ayaa goordhow u safray dalka

    February 5, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.