Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta is hortaagay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya.
Ciidankaas oo wata gaadiid dagaal ayaa Soomaaliya ka soo galay dhanka deegaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, waxaana lagu guuleystay in Matabaan lagu hakiyo.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan Matabaan ayaa maanta hor istaagay ciidanka Itoobiya oo u socday dhanka Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb.
Saraakiisha hoggaamineysa booliska hor istaagay ciidankaas ayaa RADIO HALGAN u sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah weydiiyeen sababta ay u soo galeen dalka iyo hadii uu jiro ogolaansho ay ka heystaan madaxda qaranka.
Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegi diiday halka ay u socdaan iyo qorshaha ay wataan, sidoo kale waxay ku guul dareysteen inay keenaan ogolaansho ay ka heystaan madaxda dalka Soomaaliya.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa difaac ka xirtay koontoroolka laga soo galo degmada Matabaan, waxayna u diideen ciidamada Itoobiya inay ka gudbaan halkaas.
Muran iyo isku day dheer kadib, ciidamada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Matabaan, ma dhicin wax gacan ka hadal ah, balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamadu ay ku sigteen inay isku dhacaan.
Ma cadda qorshaha ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Soomaaliya, xilli dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in guud ahaan ciidamada Itoobiya dalka laga saaro bisha 12-aad ee sanadkaan.