Muqdisho(radiohalgan.com)-Afeef: Xogta deg deg ah iyo waliba Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan
Xogta hoos ka aqriso Mahadsanidiin
Ilo wax gal ah oo katirsan Madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegay inu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, u Xilka ka qaadi doona taliyaha Nabadsugida Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, aydoo sido kale Golaha Wasiirada qarkood ay iskushaandheyn mari doonaan,
Taliyaha hada Sirdoonka Sanbalooshe ayaa loo Magacaabi Doona Wasiirka Amniga Gudaha halka taliyaha Sirdoonka La geeyen doona Axmed Macalin Fiqi, oo hada ah Wasiirka Arrimaha Dibadda,
Wasiirka Amniga hada fartaag ayaa la geeyen doona Wasiirka Batroolka halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Garowe loo celin doona laakiin shaqsiga Xulshada Damjadiid ma cada,
Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sido kale loo Magacaabi doona Saaxiibka koowaad ee Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Xuseen Odwaa,
Xilka qaadista taliyaha Sirdoonka ayaa imaaneysa xil u faraha ka baxay Amniga Caasimada aydoo inta badan Ganacasiga Degmooyinka cirfyada Muqdisho u Al-abaabada u xiranyahay sabab la xiriirta amaankood markii kooxada Al-shabaab ay amaro kusoo rogtay oo la xiriira Kaamirooyin taaso ay dowladda amar ku siisay Gancastada hayeeshee ay kala kulmeen dilal iyo cabis xoogleh, aydoona taliyaha Nabadsugida Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbalooshe, u Wajahi wayay xaqiijinta Amniga Ganacasata
Afeef: Xogta deg deg ah iyo waliba Maqaalkan & kuwa kale ee ku soo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraaga sheekada kamana turjumayaan Aragtida Radio Halgan