Wasiirkii hore amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa maanta dib loo helay, kadib markii horay loogu waayay magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya, taas oo keentay walwal xoogan.
Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo hadda ah wasiirka amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in isaga oo nool Nairobi la gelay Janan, kadib maalmo warkiisa la la’aa.
Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay inuu gadda nabad qabo Janan, isla markaana ay faahfaahin ka bixin doonaa arrimihiisa iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.
Wali ma jirto faah-faahin rasmi ah oo laga helay cidda uu ku maqnaa, balse waxaa la xaqiijiyay in xalay hoygiisa la keenay, isla markaana uu haatan ku sugan yahay.
Warar horay loo baahiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuu u gacan galay sirdoonka Kenya, balse waxaa haatan laga war sugi doonaa faahfaahintiisa, maadaama lasii daayay.
Arrinta C/rashiid Janan ayaa cirka isku shareertay, kadib markii ehelladiisa qaar kamid ah ay sheegeen in la dilay, halka kuwa kalena ay ku warrameen in la afduubtay.
Sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo baaq cod dheer ah u diray laamaha ammaanka Kenya, kana dalbaday inay meel ku sheegaan Janan.
Cabdirashiid Janan oo waayihiisa ay marxalad kala duwan soo mareen, marna lagu xiray magaalada Muqdisho ayaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay mar ahaayeen saaxibo aad isugu dhow.