Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xizbullah oo weerar culus ku qaaday ISRAEL kadib dilka taliye sare

    Xizbullah oo weerar culus ku qaaday ISRAEL kadib dilka taliye sare

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 12, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.

    Xizbullah ayaa si maalinle ah waxa gantaallo ka gudba xuduudda isku weydaarsanayeen Israa’iil tan iyo markii ay xulafadooda Falastiin ee Xamaas ay weerar ku qaadeen koonfurta Israa’iil 7-dii October, taasi oo dhalisay dagaalka ka socda Gaza.

    Is-dhaafsiga gantaallada ayaa kordhay toddobaadyadii tegay, ayada oo Xizbullah ay sare u qaaday adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha la socon, si ay u weerarto xarumaha militariga Israel, halka Israa’iil ay ku jawaabtay weerar beegsi oo ka dhan ah kooxda.

    Xizbullah ayaa sheegtay in ay “tobanaan gantaalaha Katyusha ah” ku garaacday saddex saldhig iyo xero ku taalla waqooyiga Israa’iil.

    Kooxdan ay Iiraan taageerto ayaa sheegtay inay gantaallo la hagayey ku garaaday “warshad militari” ayada oo “ka jawaabeysa dilka ay fuliyeen cadowga Sahyuuniyadda.”

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in; in ka badan 150 “gantaal” looga soo weeraray koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ka koobnaa saddex duqeymo oo xiriir ah.

    Waqti yar ka hor, ku dhawaad 90 madfac ayaa la aqoonsaday iyagoo ka soo gudbaya Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada Israa’iil, oo intaas ku daray in dhowr laga qabtay hawada, balse kuwa kale ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, ayna dhaliyeen dab ka kacay qeybo ka mid ah waqooyiga.

    Duqeymihii hore ayaa waxaa xigay wareeg labaad oo duqeymo ah oo ka koobaa 70 gantaal, iyo wareeg saddexaad oo ahaa 10 gantaal.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ayaga oo ka jawaabaya ay beegsadeen goob gantaallada laga soo tuuro oo ku taalla koonfurta Lubnaan, iyo “afar xarumo argagixiso oo horey weerar gantaallo looga soo qaaday waqooyiga Israa’iil.

    Weeraadan ayaa imanaya kadib markii duqeyn ay fuliyeen ciidamada Israa’iil lagu dilay taliye sare oo ka tirsan Xizbullah Talaadadii.

    Kooxda Xizbullah ayaa magaca taliyaha ku sheegtay Taleb Sami Abdallah, oo sidoo kale loo yaqaan Abu Taleb, kaasi oo dhashay1969-kii.

    Waxaa lala dilay saddex saaxiibadiis ahaa oo ka tirsanaa Xizbullah, weerar ay Israa’iil ku qaadday Jouaiyya, oo 15 kilometer u jirta xudduudda, sida ilo-wareedyo ku dhow kooxda ay u sheegeen AFP.

    Ilo-wareedyo ka tirsan militariga Lubnaan ayaa sheegay in taliyaha uu ahaa “kii ugu muhiimsanaa ee Xizbullah lagu dilo ilaa hadda tan iyo markii uu dagaalka bilowday”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.