Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xizbullah oo ku dhowaaqday arrin cabsi gelisay Israel

    Xizbullah oo ku dhowaaqday arrin cabsi gelisay Israel

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 21, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xizbullah ayaa ku hanjabtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, kadib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Gaza uu fido.

    Madaxa Xizbullah Sheekh Hassan Nasrallah ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri “meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.”

    Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda diyaaradaha ama saldhigyadeeda u ogolaato in Israel “ay ka beegsato Lubnaan.”

    Jasiiraddan ayaa hoy u ah laba saldhig Militari oo British ah, oo uu ku jiro saldhig ciidamada cirka ah, balse waxay ku yaallaan dhul madax-banaan oo British ah oo aysan maamulin dowladda Qubrus.

    Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee dagaalka, wuxuuna sheegay in Qubrus ay “qayb ka tahay xalka”, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay marinka bini’aadannimo ee dhanka badda ee Gaza “oo ay aqoonsan yihiin dhammaan beesha caalamka”.

    Cabsida laga qabo in Israel ay dagaal buuxa ku qaadi karto Lubnaan ayaa sare u kacday ayada oo militariga Israel ay Talaadadii ku dhowaaqeen “qorshe howleedka duulaan loogu qaadayo Lubnaan waa la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

    Arbacadii, Israel ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay garaaceen goobo Xizbullah ay ku leedahay koonfurta Lubnaan xilli habeen ah, halka ay sidoo kale werisay in diyaarado aan duuliye la socon ay ciidamadeeda ku beegsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Metula, weerarkaas oo ay sheegatay Xizbullah.

    Xizbullah ayaa dhanka kale ku dhowaaqday geerida afar ka mid ah dagaal-yahanadeeda.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeysay dhowr goob oo ka tirsan koonfurta Lubnaan Arbacadii, oo ay ku jirto xaafadda ku taalla xuduudda ee Khiam.

    Xizbullah ayaa dhankeedana sheegtay in ay “dhowr gantaal oo Katyusha ah iyo madafaiic kale” ku garaaceen deegaanka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel, si ay uga aargutaan weerarka lagu soo qaaday.

    Maalin ka hor, kooxda islaamiga ah ayaa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ka badan oo hawada sare laga duubay oo muujinaya waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan wax ay ku sheegeen inay yihiin goobo militari, difaac iyo tamar oo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada dekadda leh ee Haifa ee Israel.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.