Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025

      DEG DEG DHACDO NAXDIN LEH: Dhalinyaro is feerayay oo mid la dilay, midna la dhaawacay – Baladweyne

      July 31, 2025

      DEGDEG: Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiskan

      July 30, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      9 qof ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal dalka Iran,

      July 26, 2025

      Soomaaliya iyo Azerbaijan oo iska kaashanaya dhinaca Difaaca

      July 25, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

      July 31, 2025

      Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

      July 31, 2025

      Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

      July 31, 2025

      C/wali Gaas oo Deni ugu baaqay inuusan shareysan Maamulka W/Bari

      July 31, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xisbullaah oo soo bandhigtay Gantaallo casri ah oo welwel ku beeray Israaiil

    Xisbullaah oo soo bandhigtay Gantaallo casri ah oo welwel ku beeray Israaiil

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 18, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Xisbullah iyo Israa’iil ee ka taagan xuduudka koonfureed ee dalka Lubnaan, ayaa dadka u kuur gala waxa ay rumeysan yihiin in labada dhinac ee iska soo horjeeda ay qarinayaan nooca hubka ay adeegsanayaan, gaar ahaan ururka Xisbullah oo xilliyada qaar soo bandhiga hub cusub oo ay ku bartilmaameedsadaan gudaha Israel.

    Maalmihii la soo dhaafay, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday hubka ay isticmaalayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay billaabatay xiisadda xudduudda ee u dhexeysa Lubnaan iyo Israa’iil, waxaana ugu dambeysay Khamiistii, markii xisbigu bayaan uu soo saaray ku shaaciyay adeegsiga gantaallada casriga ah ee lagu bartilmaameedsado diyaaradaha kana hortaga gantaalada kale.

    Tani waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii Ururka Xisbullah uu beegsaday saldhig ciidan oo ku yaalla galbeedka magaalada Tiberias, weerarkan oo lagu tilmaamay midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca gudaha dhulka Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka bilaabmay

    Xisbullah oo ku hubeysan gantaalo casri ah

    Isticmaalka gantaallada S5 ee Xisbullah ayaa sare u qaaday welwelka Israel ee ku aaddan horumarinta hubka ay deegsanayaan kooxdan.

    Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo Xisbullah ay adeegsato diyaarad aan duuliye lahayn oo ku hubeysan gantaallada, halkii ay ka isticmaali jireen walxaha qarxa oo kooxda Lubnaan ay inta badan adeegsanayeen muddo bilo ah.

    Khabiirka millatariga ee reer Lubnaan Janaraal Hisham Jaber, oo ah madaxa Xarunta Barriga Dhexe ee Daraasaadka iyo Xiriirka Dadweynaha, ayaa BBC u sharaxay, “Ganaalada waxa ay gaaraan bartilmaameedka saxda ah marka loo eego bambooyinka laga soo tuuro diyaarad aan duuliye lahayn.”

    Shabakad ay Xizbullah ku leeyihiin barta Telegram-ayaa waxaa la soo dhigay sawirka nooca gantaalaha aan la hagi karin ee Ruushka ee S5, kaas oo dhererkiisu yahay 1.4 mitir, miisaankiisuna yahay afar kiilo garaam, isla markaana gaari kara 4 KM.

    “Hubka cusub ee xisbullah”

    Awoodaha ciidan ee Xisbullah ee Lubnaan waxa ay ka markhaati kacday horumar la yaab leh dhawrkii sano ee la soo dhaafay. Ururka ayaa isticmaalay hub badan oo cusub tan iyo 7-dii Oktoobar.

    Janaraal Hishaam Jaber ayaa ku macneeyay arrintan in Xisbullah ay wali qarinayaan nooca hubka ay haystaan islamarkana ay si tartiib tartiib ah u soo bandhigayaan hubkooda casriga ah.

    Waxa uu BBC-da u sheegay in Xisbullah ay laba jeer adeegsatay gantaallada difaaca cirka; “Ka hore wuxuu ahaa markii ay soo rideen Hermez 450, ka labaadna wuxuu ahaa markii ay soo rideen Hermez 900 oo Israel samaysay, bishii April ee la soo dhaafay.”

    13-kii May, Shabakadda Al-Mayadeen TV ee Lubnaan ayaa sheegtay in Xisbullah ay markii ugu horreysay shaaca ka qaadday adeegsiga gantaallada cusub ee culus oo lagu magacaabo “Jihad Mughniyeh”. Waxa ay sidoo kale tilmaameen in ay adeegsadeen diyaarad cusub oo aan duuliye lahayn oo lagu magacaabo “Shahab” si ay u beegsadaan nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil ee lo yaqaano Iron Dome.

    Warbixin uu soo saaray machadka Washington Institute for Near East Policy, Khamiistii, ayaa lagu sheegay in Hezbollah ay adeegsadeen diyaaradaheeda jiilka saddexaad markii ugu horreysay, waxayna warbixintu intaa ku dartay in kooxdu ay adeegsatay “nooc aad u horumarsan oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ababil oo awood u leh inay aqoonsadaan bartilmaameedyada gaarka ah.”

    Sarkaal ka tirsan Xisbullah ayaa u sheegay kanaalka Al-Mayadeen ee Lubnaan in kooxdu ay dhawaan kordhisay awoodda ay ku kaydsan karto hubka.

    Nawaf al-Moussawi, oo ah mas’uul ka tirsan Hisbullah, ayaa sheegay in kooxdu ay hadda awood u leedahay inay hesho tiro hub ah hal bil gudaheed, halka markii hore ay heli jireen lixdii bilood-ba mar .

    Al-Moussawi waxa uu tilmaamay in Hezbollah ay haysato “hub cusub” oo ay u adeegsato Israa’iil, oo ay ku jiraan gantaallo si sax ah u gaara goobaha lagu ridoislsmarkana loo adeegsan karo badda iyo dhulka.

    Wargeyska Israa’iil ee The Jerusalem Post oo soo xigtay Tal Perry oo ah taliye hawlgab ah kana shaqeeya waaxda cilmi-baadhista ee xarunta Alma ee Israa’iil, in Hezbollah ay sidoo kale gantaalada SA8 geeyeen koonfurta Lubnaan, taas oo uu sheegay in laga yaabo in ay khatar ku tahay diyaaradaha Israa’iil ee ka hawlgala Lubnaan.

    Isha: BBC SOMALI

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweyne Trump: “Israel Aduunka oo dhan waa laga nacay”

    July 31, 2025

    Sheekh Aadan Madoobe oo olole cusub ka bilaabay magaalada Xudur

    July 31, 2025

    Gaadiid raashiin gargaar ah u waday marinka Gasa oo la dhacay

    July 31, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.