Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro), ayaa qorsheynaya inuu safar ku tag Addis Ababa

      June 13, 2025

      FAAH-FAAHIN CUSUB:- Dowladda Iiran ayaa shaaca ka qaaday

      June 13, 2025

      Madaxweyne Deni oo booqday dhaawacyadii ciidanka ee la geeyey Itoobiya.

      June 13, 2025

      Iiraan oo kulan degdeg ah ka codsatay Golaha Ammaanka

      June 13, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

      June 13, 2025

      WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

      June 13, 2025

      DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

      June 13, 2025

      DEGDEG Dowladda Mareykanka balaarisay howlgalka ay ku difaaceyso Israa’iil kaddib

      June 13, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

      June 13, 2025

      WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

      June 13, 2025

      DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

      June 13, 2025

      Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro), ayaa qorsheynaya inuu safar ku tag Addis Ababa

      June 13, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xisbiga Waddani oo ka jawaabay hadalkii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya

    Xisbiga Waddani oo ka jawaabay hadalkii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comAugust 24, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb-galay 22kii August kulan dadweyne oo su’aallo lagu weeydiinayey Ra’iisulwsaaraha kadib markii muddo laba sano ah ay u buuxsantay xukumaddiisa ayaa su’aalahii la weeydiiyay waxaa ka mid ahaa su’aal ku aadaneyd sababta ay dowladda Soomaaliya ay u aqoonsan weysay SSC Khaatumo, laakin Ra’iisulwsaaraha ayaa arintaasi kaga jawaabay” Haddii ay doorasho ka ka dhacdo Somaliland oo ay madax cusubi ay timaado, waxa aan rajeyneyna in aan isla jaan qaadi doono, oo Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah aan heli doono” isagoo intaasi ku daray in ay taasi ka shaqeyneynaa .

     

    Xamse Cabdi Barre

    Xigashada Sawirka,OPM Somalia

    Hadalkaasi Ra’iisulwsaaraha ayaa waxa ka dhashay falcelin kala duwan oo ka timid dhanka Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanideeda ee Somaliland.

    Warsaxaafadeedka Xisbiga Waddani

    Xirsi Cali Xaaji Xasan

    Xigashada Sawirka,Hersi Ali H Hassan

    Warsaxaafadeed uu soo saaray Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa lagu naqdiyay warka laga soo tebiyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya. “Ujeeddo kasta oo hadalkaasi xambaarsan yahay ama lagu doonayo in dadkayaga lagu qaybiyo waa riyo-maalmeed” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaas.

    Warsaxafaadeedka Xisbiga Waddani ayaa lagu sheegay, “mucaarad iyo muxaafid, qaddiyadda Somaliland waannu ka midaysannahay. Somaliland iyo dadkeeduna waa ul iyo diirkeed, siyaasadda Waddanina waa dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka ka mid ah”.

    Wasiir Buuni

    Xigashada Sawirka,Hadhwanaagnews

    Hasayeeshe Cabdinasir Muxumed Buuni Wasiirka xiriirka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka ee Somaliland ayaa sheegay in musharraxa Xisbiga Waddani ee u tartamaya madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro laga doonayo in uu ka hadlo arritaasi isagoo ku doodday in fariinta Ra’iisul wasaaraha aanay ku socon Xirsi Cali Xasan, waayo buu yiri Xirsi ma aha ninka doorashada madaxtinimada u sharraxan “ Jawaab ahaanna kuma filna qoraal laga soo saaro “ waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo intaasi raaciyay, “qof ahaanna Xirsi ma aha ninka u Sharraxan Xisbiga” ayuu yiri Cabdi Naasir Muxumed Buuni.

    Arinka wasiirka ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeed oo la doonayo in galaangal loogu yeesho ololaha doorashada Somaliland ee bisha November dhacaya.

    laakin wasiirka ayaa sii adkeeyay hadalka kadib markii uu ku doodday in Xisbiga Kulmiye iyo Ucid oo kaliya ay aaminsan yihiin Somaliland ee Waddani aanu aaminsaneyn Somaliland, laakin taasi ay ka hor imaanayso mowqifka xisbiga Waddani oo uu danbeeyay warsaxaafadeedkii ugu danbeeyay ee uu saaray Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ee lagu sheegay in siyaasadda Waddanina ay tahay dadka Somaliland oo mid ah, oo beesha caalamka ka mid ah.

    Somaliland waxa ay si iskeed ah uga go’day Soomaaliya sanadkii 1991, hase yeeshee weli caalamka kama helin aqoonsi buuxa, Soomaaliyana waxa ay aaminsan tahay midnimada Soomaaliya oo ay Soomaaliland ku jirto. Laakin Somaliland waxa ka jira xasilooni nabadeed oo ay kaga duwaneyd Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo dagaaladii Ka dhacay Sanadkii hore Laas Caanood ee dhexmaray ciidamada Somaliland iyo SSC Khaatumo.

    Xiisadda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxa ay cirka isku shareertay kaddib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu 1dii Janaayo ee sanadkan uu heshiin is faham oo dhanka badda ah la saxiixday Ra’iisulwasaaraha Ethiopia Aby Axmed . Heshiiskaas oo ay Soomaaliya si weyn uga hor timid kaas oo keenay in xiriirka Soomaaliya iyo Ethiopia uu xumaado.

    Turkiga ayaa marti geliyay wadahadallo dhexdhexaadin ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia kuwaas oo ku aaddanaa heshiiska isfahan ee ay Itoobiya la gashay Somaliland , heshiiskaas oo ay Somaaliya si weyn uga hortimid. Wadahadallada oo dhacay laba wareeg oo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku kulmeen Ankara ayaan wax heshiis ah laga gaarin, in kasta oo kulankii ugu danbeeyay ee 13kii August ee sanadkan ka dhacay Ankara lagu sheegay in farqiga dheer u dhaxeeyay labada dhinac la soo yareeyey, laakin wax heshiis laguma gaarin kulankaas, iyada oo loo ballamay wareeg seddexaad in loo gudbo, kaas oo dhici doona bisha September, inkastoo aan la sheegin taariikhda rasmiga ah ee wareegga seddexaad ee wadahadallada.

    Doorasho

    Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ayaa loo qorsheeyay inay Somaliland ka qabsoonto bisha November ee sanakan 2024, kadib markii in muddo ah uu khilaaf siyaasadeed hareeyay kaas oo ku aadana waqtiga doorashada iyo waxa laga yeelayo ururada iyo xisbiyada siyaasadeed, hase yeeshee markii danbe laga gaaray xal ah in xisbiyada siyaasadeed ee hadda jira ay galaan doorashada maadaxtinimada.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Iran oo ku dhawaaqday in ay ka baxday wadadii diblomaasiyadda

    June 13, 2025

    WAR CUSUB:- Amiirka Qatar ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka kadib!

    June 13, 2025

    DEG DEG: ISRΑEL waxay mamnuucday duubista muuqaallada kadib weerarada!

    June 13, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.