Saddex raโyi ururin oo laga sameeyay Ingiriiska ayaa Arbacadi shalay muujiyay, in xisbiga talada haya ee Muxaafidka ee raโiisul-wasaare Rishi Sunak, uu guuldarro baโan kala kulmi doono doorashada guud ee 4-ta bisha July ka dhaceysa Britian.
Raโyi ururintan saddexda ah oo si rasmi ah loo shaaciyay Arbacadi ayaa odoroseysa, in Xisbiga Mucaaridka ee Shaqaalaha uu si fudud ugu guuleysan doono doorashada, taas ka dhigi doonta in xisbiga Labour-ka uu talada Ingiriiska kusoo laaban doono 14 sano kaddib.