Xeer Ilaalinta Qaranka waa in ay qaado Tilaabooyin deg deg ah
Xisbiga Daldhis oo markasta u taagan danta dadka, diinta iyo dalka ayaa ka walaacsan
xaaladda danleyda Soomaaliyeed ee wax kasta u maraya dantooda shaqsiga ah.
Waxa jira
faragelin toos ah oo ay ku heysayn Dowladda Etoobiya laga soo bilaabo burburkii dowladii
Soomaaliya 1991-dii, ayida oo adeegsaneysa shaqisiyaad danley ah, waxana ay dalka ku
leedahay shaqsiyaad korka Soomaali ka ah, kuna hadla af Soomaali, oo iskugu jira
siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakil ciidan.
Heshiis ku sheegii Addis Ababa ku dhexmaray hoggaamiyihi waqtigu ka dhamaaday ee
gobolada Waqooyi (Somaliland) Muuse Biixi iyo Etoobiya waxa maalinba maalinta ka
dabeysa soo baxaya shaqsiyaad is-heyn waayay ee u shaqeeya Etoobiya ama u arka in
dantooda siyaasadeed ama dhaqaale ay ugu kobceyso taageerada Etoobiya.
Shacabka
Soomaaliyeed iyo haldoorka waa in ay is-weydiiyaan maxaan u weynay qof Etoobiyaan ah oo
anaga noo shaqeeya oo kasoo horjeeda danta Etoobiya iyo Shacabkooda.
Shacabka
Soomaaliyeed ee gobolada qaar ka mudaharaadaya waa dad danley soo abaabushay mana
oga waxa ay iskugu soo baxeen dhibaatada ay u leedahay iyo xajmiga dambiga ay galeen.
Waa Qiyaano Qaran wax kasta oo wax yeelaya xaduudaha dhulka, Badda, Cirka iyo
Jasiiradaha sida uu qabo Dastuurka dalka qodobka 7-aad farqadiisa 1 iyo 2. Sidaas darteed
waxa uu Xisbiga Daldhis ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in ay qaado tilaabooyin waa
weyn oo dalka looga badbaadinayo danaha shisheeye.
Dowladu waa in ay sameyso labada
qodob ee soo socda:
1. Waa in xasaanada laga qaado qof kasta oo u shaqeynaya danaha shisheeyaha isla
markaasna Xeer ilaalinta Qaranku dacwo kusoo oogto
2. Waa in waaran loo jaro lagu soo qabanayo Muuse Biixi iyo intii siyaasiyiin iyo saraakiil
ku fikir ah maxkmadna lasoo taago.
Waa in interpol-ka lagu wargeliyo soo
qabashadooda.
Xisbiga Daldhis waxa uu ugu baaqayaa DF. iney la timaado hanaan dowladnnimo oo dalka
madaxbanaanidiisa lagu ilaalinayo iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxan
ugu baaqeynaa siyaasiyiinta in waxii dhexdeena ah aysan saameyn ku yeelan
badaxbanaanida dalka iyo wadajirka shacabka.
<•••• Dhamaad•••••>