Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Al shabaab ayaa la wareegay deeganka tardo kadib

    July 13, 2025

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Al shabaab ayaa la wareegay deeganka tardo kadib

      July 13, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025

      War cusub oo ka soo kordhay Markabkii Oruc Reis ee ka baxay Somalia

      July 4, 2025

      Madaxweyne Trump iyo Elon Musk oo mar kale fooda is daray

      July 4, 2025

      Madaxweynaha Jubaland, Axmed madoobe ayaa hambalyo u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo oo

      June 30, 2025

      DEG DEG Isra’iil oo Wajahaysa Culeys Dhaqaale Kadib Dagaalkii Iraan 

      June 28, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      DEG DEG Al shabaab ayaa la wareegay deeganka tardo kadib

      July 13, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

      July 7, 2025

      DEG DEG Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran Dagaal dhex maro

      July 7, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo u muuqda in uu isbahaysi u baahnaan doono si uu u soo dhiso dawlad

    Xisbiga ANC ee Koonfur Afrika oo u muuqda in uu isbahaysi u baahnaan doono si uu u soo dhiso dawlad

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 1, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Hadda oo inta badan la tiriyay codadka doorashada Koonfur Afrika, ayaa xisbiga muddada dheer talada dalkaasi hayay ee African National Congress (ANC), waxa uu u bahanaan doonaan isbahaysi si uu dawlad u soo dhiso, kaddib doorashadii taariikhiga ahayd ee uu markii ugu horreysay ku lumiyay in uu helo aqlabiyadda kuraasta barlamaanka.

    Illaa hadda 91% ayaa la tiriyay codadka degmooyinka, waxana xisbiga ANC codadka uu illaa hadda helay gaarayaan 40.25%.

    Xisbiga ku xiga ee Isbahaysiga Dimoqaraadiga (DA) ayaa isna helay 21,7%, halka xisbiga MK ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Jacob Zuma uu helay 14.7%, xisbiga EFF ayaa isna ka helay codadka illaa hadda la tiriyay 9.39%.

    Natiijooyinka kama dambeysta ah ayaa la filayaa beri oo Axada.

    Xisbiga ANC ayaa doorasho kasta ka kormari jiray 50% tan iyo doorashadii ugu horreysay ee dimoqaraadi ah 1994, taas uu Nelson Mandela madaxweyne ku noqday.

    Laakiin taageerada xisbiga ayaa si joogta ah hoos ugu dhaceysay sababo la xriirra caro ka dhalatay musuq maasuqa meesha sare gaaray, shaqo la’aanta iyo heerka dambiyada ee kordhay.

    Haweeyney sodonkii sano la soo dhaafay u codeyneysay xisbiga ANC ayaa u wareegtay xisbiga DA oo ay hadda u codeysay, waxayna tiri waxan doonayay in awoodda si wada jira looga wareejiyo maxaa yeelay dhibaatada ka taagan nolosha sii qaaliyoobaysa iyo korontada sida joogtada ah u go’aysa.

     

    ‘’Natiijadani ma wanaagsana. Waxan doonayay in meesha laga saaro dawladda. Waxan u baahanahay in aan qof kale fursad siino,’’ ayay u sheegtay BBC.

    Sanusha Naidoo oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa u sheegtay BBC-da in inkastoo ay wali dhiman yihiin in la tiriyo codad badan , haddana ma jirto sabab uu xisbiga ANC ku gaari karo 50% taas oo looga baahan yahay in uu ku soo dhiso dawlad tiisa ah. Waxay tiri rajada ugu wanaagsan ee uu qabo waa in uu helo 45%. Sidaa daraadeed haddii uu doonayo in uu dawlad soo dhiso waxa uu u baahnaan doonaa mid ama labo xisbiyada kale ah.

    Gudoomiyaha ANC Gwede Mantashe ayaa sheegay in xisbigiisa aanay u muuqan in uu isbahaysi la sameysan doono xisbiga midig dhexe ee DA, kaas oo hadda ku jira kaalinta labaad haystana codad gaaraya 22%.

    Waxa uu yiri waa in ay jirtaa ‘’toosin siyaasadeed’’ oo u dhaxeysa xisbiyada oo heshiis siyaasadeed ah.

    Xisbiga ANC, siyaasaddiisa awoodsiintiisa dadka madow – ee lagu siinayay dadka madow dhaqaalaha ee laga saari jiray xiligii midab kala sooca waa mid ‘’aan laga wada xaajoon doonin’’.

    DA

    XIGASHADA SAWIRKA,EPA

    Waxa uu intaas ku daray in isbahaysi kasta uu raaci doono hannaanka Caymiska Caafimaadka Qaran (NHI), kaas oo sharci ahaan loo saxiixay bishan.

    Xisbiga DA ayaa ka soo horjeeda labadaba NHI iyo siyaasaddaha awood siinta madowga ee xisbiga ANC.

    Taageerada xisbiga DA ayaa u muuqta mid korodhay doorashadan, isagoo dib u helay codadka dadka cadaanka ah ee taageeri jiray xisbiga doorashadii ugu dambeysay, iyo qaar kamid ah dadka madow oo dareemay in loo baahan yahay in fursad la siiyo dawlad qaran.

    Inkastoo xisbiga ANC ka cagajiidayo in uu isbahaysi la sameeyo DA, haddana hoggaamiyahooda John Steenhuisen aragtidaas meesha kama saarin.

    Mudane Steenhuisen ayaa sheegay in haddii isbahaysi lala sameeynayo ANC ay jiri doonaan arimo aan laga wada xaajoon doonin.

    ‘’In la xushmeeyo sharciga iyo dastuurka, suuqa dhaqaalaha bulshada ee la tacaamulaya shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ah ajande koraya.

    ‘’Dulqaad la’aanta loo hayo musuq maasuqa iyo keenista kaadiriinta iyo in diiradda la saaro siyaasaddaha dhaqaale ee kordhinaya shaqooyinka.’’

    Mudane Streenhuisen ayaa sidoo kale u sheegay BBC-da in ay tahay in uu la tashi sameeyo kahor isbahaysi lala galo dhinacyada, iyadoo la tixgalinayo wadaxaajood kasta.

    Laakiin waxa uu meesha ka saaray in uu wax isbahaysi ah la sameynayo xisbiyada EFF iyo MK oo labaduba u ol’oleeya in lala wareego dhulka cadaanka iyo in la qarameeyo macdanta.

    ‘’Waxan u maleynayaa in xasilooni darradu aanay ahayn danta ugu wanaagsan ee wadanka. Isbahaysi lala sameeyo xagjirka bidixda ee Koonfur Afrika ee MK iyo EFF ay keeni doonto isla siyaasadihii burburiyay Zimbabwe, burburiyay Venezuela,’’ ayuu yiri.

    Midda suurtagalka ah waa in uu isbahaysi dhexmaraa xisbiga MK iyo iyo ANC.

    Mudane Zuma ayaa laga joojiyay xisbiga ANC, in kastoo uu wali xubin ka yahay.

    Waxa uu u muuqday in uu heshiis la gali karo xisbiga ANC haddii laga badalo hoggaamiyaha Madaxweyne Cyril Ramaphosa.

    ‘’Waxan dhib ku qabaa hoggaanka xisbiga ANC, ee ANC laftigiisa dhib kuma qabo ama xubin nimadiisa,’’ ayuu dhawaan u sheegay BBC-da.

    Si kastaba ha ahaatee, waxa uu ka cagajiidayay in uu ka hadlo suurtagalnimada in uu galo xisbiga ANC doorashada kaddib.

    Laakiin afhayeenka xisbiga MK Nhlamulo Ndhlela ayaa u muuqday mid meesha ka saaraya wax heshiisa oo lala galo Ramaphosa, hadal uu habeenimadii Jimcaha sii daayay, waxa uu u sheegay weriyayaasha in xisbigiisu ‘’aanu wadaxaajood la gali doonin ANC’’, inta uu wali xafiiska joogo madaxweynuhu.

    Ikhtiyaar kale waxa uu noqon karaa in uu la shaqeeyo xisbiga EFF, oo uu hoggaamiyo Julius Malema, hoggaamiyihii hore ee garabka dhalinyarada ANC. Labada xisbi waxay hadda isbahaysi ka sameeyeen magaalada ugu weyn wadanka ee Johannesburg.

    Rikoor cusub oo ah 70 xisbi iyo 11 murashaxiin madaxbannaan ayaa ka qaybgalay doorashada Koonfur Afrika oo loo dooranayo barlamaan cusub iyo wakiilada gobolada.

    Xisbiga DA ayaa la saxiixday heshiis 10 kamid ah xisbiyadaas, iyagoo isku raacay in ay dawlad isbahaysi ah sameeyaan haddii ay helaan codad ku filan si ay awoodda uga wareejiyaan ANC.

    Laakiin xisbiyadaasi kuma jiraan EFF ama MK, kuwaas oo ay u baahan yihiin si ay u noqdaan aqlabiyad.

    Iyadoo xisbiyadu ku hardamayaan in ay sameeyaan isbahaysiyo, ayaa madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyata oo hoggaaminaya kormeerayaasha Midowga Afrika ayaa talo ahaan ugu jeediyay in ay isbahaysi sameystaan.

    Waxa uu yiri dawladdaha isbahaysiga waxay u baahan yihiin in ay diiradda saaraan meelahah ay ka heshiin karaan halkii ay ka eegi lahaayeen meelaha ay ku kala duwan yihiin.

    ‘’kaliya waxan la doonayaa wanaag iyo rajo ah in hoggaanka uu u qaadan doono go’aankan isagoo xeerinaya dhinaca wanaagga dadweynaha,’’ ayuu yiri.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Al shabaab ayaa la wareegay deeganka tardo kadib

    July 13, 2025

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Al shabaab ayaa la wareegay deeganka tardo kadib

    July 13, 2025

    Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

    July 8, 2025

    Axmed Madoobe oo u mahad celiyey ciidamada Mareykanka (Sawirro)

    July 7, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.