Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu ula kulmi laha Donald Trump.

      September 27, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      DEG-DEG: Qarax ka dhacay Godka Jilocow &

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si kulul uga hadlay weerarkii Ceel baraf ee lagu dilay Askarta

    Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si kulul uga hadlay weerarkii Ceel baraf ee lagu dilay Askarta

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comDecember 27, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.

    Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen Al-shabaab ku dhex jira dadka shacabka ah, si ay isaga horkeenaan beelahaha walaalaha ah.

    Maanta waxaa Ceel Baraf lagu dilay Ciidan ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed. Ciidankaas dadka dilay ayaga ayaa cadeeymaha iska duubay,sawiro iska qaaday. Waana la garanayaa. Waa Al-Shabaab ku dhex jiro shacabka. Ma adkaan doonto in si dhaqso ah sharciga loo horkeeno. Waxaan xasuusinayaa dadka aan metelo in Al- Shabaab ay noocyo badan yihiin. Sidaas darteedna ay ka shaqeeynayaan in ay Beelaha Walaalaha ah iska hor keenaan. Falka dhacay maanta waxaa geystay Al- Shabaab. Waana la soo qabanayaa In Sha Allah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.

    Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu ku  matalo Baarlamaamka Soomaaliya ineysan qaadin wax talaabo ah oo ay ka war sugaan  Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

    “Argagixisado waxey rabtaa in Jihaadkii aan la galnay ay u bedelaan dagaal beeleed. Taasna waa in aan ka wada hortaagnaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.

    Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ku tilmaamay weerarkii Ceel baraf mid gumaad ahaa.

    “Allaha u naxariisto askarta shuhadada ah ee sida arxan darada ah loogu gumaaday Ceel baraf, taliska xoogga Dalka waxaa laga rabaa jawaab deg deg ah in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha arxanka daran ee falkaas geystay si looga badbaado dhiig kale oo daata” ayuu yiri Xildhibaan Buraale.

    Xildhibaan Buraale ayaa sidoo kale maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay colaadaha kusoo laablaabtay deegaanada maamulkaas.

    “Waxaan aad uga xumahay kuwa sheegta maamul ku sheega Hirshabelle ee qeybta ka ah colaadaha iyo isku dirka dadka walaalaha ah hadane dhahaayo nabadeyn ayaan wadnaa in bulshada ay ka fogaadaan dhagartooda, inta ay bulshadaas hor fadhiyaan waxaas iyo wax kadaran ayaa ka imaan doono” ayuu yiri  Xildhibaan Buraale.

    Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ugu baaqay Taliska Xoogga Dalka in ay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan gacan ku dhiiglayaasha si loo xaqiijiyo caddaalada, loogana hortago in aan la baneysan dhiigga askarta u taagan la dagaalanka Alshabaab.
    Hadaladaan kasoo yeeray Xildhibaanadaan kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 6 askari oo ka tirsana Militariga Soomaaliya oo aano qabiil loogu dilay iyagoo kusii jeeday gobolka Hiiraan
    Xigasho isha wararka Hiiraan  Online 
    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

    October 4, 2025

    Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.