Waxaa goordhow xarunta Villa Hargeysa ee sida kumeel-gaarka ah uu ugu shiro Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ka billaaban doonta khudbadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka codsaday Mudaneyaasha labada Aqal.
Xildhibaannadii ugu badnaa ayaa haatan ku sugan xarunta Villa Hargeysa, mudaneyaal soo dhaweeyay hadal jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo kuwo kale oo diidan waxyaabaha uu lahortagayo ayaa fadhiga xaadiray.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ayaa kasii aragti dhiibtay waxyaabaha laga filayo in uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu khudbeeyo maadaama uu usii sheegay in wax weyn uu horgeynayo.
Xildhibaannada qaar ayaa aad u hadal haya ajendaha ay ka sugayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Kalfadhigaan ayaa xirmaya 5ta bishaan Nofeembar oo Talaalada ku beegan balse waxaa jira warar sheegaya in bil dheeraad ah lagu dari doonno.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinacyo badan laga sii saadaalinayaa hadal-jeedintiisa in ay taaban doonto sida Arrimaha Doorashooyinka, Xaaladda Dalka, In Bil dheeraad ah lagu daro kalfadhiga & kuwo kale.
La soco wixii kasoo kordha