Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ku matala dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku kala aragti duwanaaday Warqaddii casuumaadda ahayd ee Madaxweynaha maamulkaasi u diray Xildhibaannada.
Xildhibaan Xasan Garaad iyo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka tirsan Golaha Shacabka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tagi doonaan magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan kulamo Wadatashi.
Ka dib kulankii maanta ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ayaa Xildhibaanadaan warbaahinta waxa ay kula hadleen afaafka hore ee xarunta Villa Hargeysa. Xildhibaan Xasan Garaad oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Waxaan ajiibnay annaga oo ah Xildhibaannada iyo Senetarada Warqaddii nooga timid Madaxweyne Axmed Madoobe, isla markaasna aan wadatashi u tagi doono magaalada Kismaayo.”
Sidoo kale, Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ee laga soo doorto dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uusan tagi doonin magaalada Kismaayo, isla markaasna uu diyaar u yahay Doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku dhawaaqeen Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.
“Heshiiskii uu dhowr jeer wax ka saxiixay ayuu diiday, Xildhibaanada Jubaland waxaan leeyahay Kursigiina Axmed madoobe majiree Shacabka soomaliyeed ayuu jiraa ee aada Dalka doorasho Qof iyo cod ah ayuu aaday, Deegaanka Axmed Madoobe ma leh ee dadka Shacabka ah ayaa leh,” ayuu yiri Senator Iftiin Xasan Baasto.
Hadallada kala duwan ee ka soo baxaya Xildhibaannada iyo Senetarada Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli xalay Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe uu kulan wadatashi ah iskugu yeeray Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Jubaland.
Warqadda kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u qorneeyd, “Xildhibaanada sharafta leh ee labbada Aqal ku matala Dowladda Jubaland waxaan ku casuumayaa kulan wada-tashi ah oo aan kaga tashan doono xaalada siyaasadeed ee dalka oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ee caasimada kumeel gaarka ah ee Jubaland taariikhda 8-11 November 2024”.
Arrintaan waxa ay ka dambeeysay kaddib markii maalinimadii Axada ay laba wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay xilalkoodi iska casileen, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay maamul gobaleedka Jubbaland.