Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliso Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Kulanka ayaa ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay, wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Xanaan Cabdicasiis Barre.
Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka, ayaa Golaha faahfaahin ka siiyay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed, waxaana Xildhibaanadda ay guddiga su’aalo ka weydiiyeen hindise sharciyeedkan iyo muhiimada uu u leeyahay da’yarta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay, in guddiga laga doonayo in ay warbixinta akhrinta sedaxaad ku soo daraan talooyinka Xildhibaanada inta waafaqsan dastuurka, kuna soo celiyaan Golaha Shacabka.