Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Somalia ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha dib loogu fasaxay fadhiyada Golaha ka dib markii dhowaan laga hakiyay ka qeyb galka fadhiyaha Golaha Shacabka.
Gudoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa xildhibaanadan ka mamnuucay fadhiyada golaha ka dib markii lagu eedeeyey iney ku lug lahaayeen qalalaasihii maalmo ka hor ka dhacay kulanka golaha shacabka.
Lama oga waxa sababay in sidan dhaqsiyaha badan xanibaada looga qaado xubnahan iyo inuu talaabadan wax ka ogyahay gudoomiye Aadan Madoobe oo safar ugu maqan dalka dibediisa.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA