Xildhibaanada Puntland ku metela Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa sheegay in lagu soo wareeray hotel ay ka deggan yihiin Muqdisho oo aagga Xalane ku yaalla.
Xildhibaanada oo ah kuwii dhawaan laga celiyay Garoowe oo weli ku xanniban Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo dawladda ka tirsan ay goobta ka ka xaysteen la taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxweyne Deni.
Xildhibaanadan ayaa diidan waxka beddelka dastuurka Soomaaliya oo berri loo ballansan yahay in wax laga beddelo qaybo ka mid ah.
Xiisaddan ayaa sababtay in ay caawa iscasilaan laba wasiiro-dawle oo ka tirsan xukuumadda federaalka kuwaas oo sheegay in ay ka soo horjeedaan wax ka beddelka dastuurka.
Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland ayaa intooda badan diidan wax ka beddelka dastuurka federaalka Soomaaliya.

