Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka dhawaajiyey in badi madaxda dalka, shaqaalaha dowladda, Siyaasiyiinta, Shaqaalaha dowladda iyo dadka Hormuudka u ah dalka ay ku ciideen magaalooyinka Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka uu arrintaan kaga hadlayey ayuu ku yiri, “Ku dhowaad 90% madaxda xilalka haya iyo kuwa sugayaba ee dalka, siyaasiyiin iyo shaqaale rayad ah, dalka dibaddiisa ayey ku ciideen. Nairobi, Istanbul, Makka, Qahira iyo Dubai ayaa la isku qaybiyey.”
Warsame ayaa sheegay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ay noqotay Muqdisho labaad, isaga oo yiri, “Nairobi waxay noqotay Muqdisho labaad. Dawladda oo keliya ma aha ee qaybaha kale ee bulshada sida; ganacsatada, NGO layaasha, saxaafadda iyo cid kasta oo wax heli karta dalka waa ka soo dhooftay.”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraalkiisa ku sii yiri, “Muuqaalkaasi wuxuu sawir dhab ah ka bixinayaa in aysan waxba is dhaamin Hormuudka (elite) Soomaalida ee siyaasadda, ganacsiga, saxaafadda, iyo samafalka (voluntary sector) ka iyo ajnabiga Xalane deggan ee dalka ka shaqaysta, dhammaanteen dalka waan ka xoogsanaa ee uma xoojino.”
Arrintaan ayuu Xildhibaan Warsame ku sababeeyey, “Natiijadan waxay ka dhalatay markii siyaasigii danta guud loo diray uu tiisii gaarka ah iyo damaciisa shakhsiga ah u dulloobay, qaybihii kale ee bulshadana, ganacsato, culumo, suxufi iyo aqoonyahanna ay dantii guud iyo dalwadnimadii ka danaysteen sidii in aysan noloshadeena qusayn oo kale.”
Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in damiirka la nooleeya, taas oo uu sheegay in looga gudbi karo adkeen damaca iyo doonista nafta, “Waa in aan damiirkeena noolayno, waxayna ka bilaabata in aan ka adkaano damaca iyo doonista nafta, si aan u gaarno xaalad akhlaaqeed oo garasho iyo awood inoo siinaysaa in aan xaqa u hiilino, garanana in danta guud la’aanteed aan mid gaar ah la xaqiijin karin.”
Madaxda dalka, Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah dadka ugu caansan ayaa caruurtooda waxa ay ku nool yihiin dalka dibaddiisa, iyada oo badi bulshada ay su’aalo ka keeneen, taas oo ahayd madaxda dalka; ma dalka ayey u shaqeeyaan mise dalka ayee shaqo ka soo doonteen?