Xildhibaan Maxamed Abukhadir Maxamed ayaa barta twitter-ka iyo Facebook uu ku leeyahay ayoow ku qoray qoraal hoos ka Muuqdo
Xildhibaanka ayaa yiri
Waxaan bogaadinayaa labada dhaqan ee Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ee beesha Xawaadle iyo Wabar Maxamed Wabar Axmed Wabar Cabdi Wabar Maxamed Beesha Baadi-cadde.
Dhaqanka waxa uu qiima u leeyahay ku wada noolaashaha nabadda iyo midnimada bulshada gaar ahaan bulshooyinka wada nool.
Kulanka Ugaaska iyo Wabarka waxa uu muujinayaa wadajirka iyo walaalnimada reer Hiiraan, waxaan ka rajeynaa in dhaqanka kale ee reer Hiiraan ayagana ay saldhigtaan gobolka si joogista dhaqanka ee gobolka u horseedo midnimo iyo wadajir, lagana noqdo isku aragti arrimaha gobolka