Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji (Dhabancad) oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa dowladda faray in ay xafiis walba uu sameysto waxa loo yaqaano xiriirka dadweynaha (public Relation), si ay u fududaato xiriirka ka dhaxeeyo dowladda iyo shacabka.
Xildhibaan Dhabancad ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda ay sameystaan xiriirka dadweynaha, isaga oo sheegay in dadka shacabka ee cashuur bixiyaasha ah aysan mudneen in lagu celiyo albaabada.
“Ummadda dowlad uma wada shaqeyso, qofka waddiniga ah ee lugeynaayo inta la baaro surwaal iyo shaari wata, in la yiraahdo dariiqaan ka noqo ceeb bay nagu tahay, war ummadda ha loo maciino, wasaaradahana dadka ha qaabilaan oo ha sameystaan xiriirka dadweynaha”. Ayuu yiri, Xildhibaan Dhabancad.
Sidoo kale, xildhibaan dhabancad ayaa intaas ku daray in waagii hore ay wasaaradaha lahaan jireen xafiis xiriir dadweyne (public Relation Officer), kaas oo qofka soo dhaweyn jiray, sidoo kalene hagi jiray.
Soo jeedinta Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji (Dhabancad), uu u soo jeediyay dowladda wax maka qaban doontaa? Mise fari doontaa Wasaaradaha iyo Xafiisyada dowladda in ay sameystaan xafiis xiriir dadweyne?