Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cismaan (Gureey) oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle kasoo jeeda ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabeelle.
Qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan dowladda Hirshabelle ayaa sodhaweyn sare Xildhibaanka ugu sameeyay magaalada Jowhar.
Xildhibaanka Cabdiraxmaan Gureey Xildhibaano Golaha Shacabka BJFS iyo Senataro BJFS ka kala tirsan ayaa maanta magaalada Jowhar u gaaray ka qeygalka furitaanka shirka Baarlamaanka Hirshabeelle.
Xildhibaanka ayaa kulan ka qaatay madaxda sare ee dowladda Hirshabeelle sida Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Cali (Guudlaawe) iyo madaxda kale ee dowladda.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa lagu tilmaamaa siyaasi fur-furan oo leh aragti dheer isla markaana jecel horumarka iyo midnimada dowladda Hirshabelle.