Maxamed Abiib Yuusuf oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland ee katirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo khudbad ka jeediyay Magaalada Boorame ayaa Shacabka Magaaladaas ka codsaday in ay codkooda ku garabsiiyaan Xisbigiisa.
Abiib ayaa Eedeyn culus dusha ka saaray Xisbiga Kulmiye ee talada haya isaga oo sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xisbigiisaba ay ku sifoobeen dhibaateynta Dadka Bulshada haldoorka u ah sida uu hadalka u dhigay.
Dhibaatooyinka dhacay sida looga bixi karo ayuu ku sheegay in codka dadka uu aado dhinaca isbaddelka kaddibna lala xisaabtami doonno mas’uuliyiintii ka dambeysay xariga ka dhanka ah xubnaha hoggaanka Bulshada ah sida uu yiri.
“Reer Boorame codkooda waxa ay uga harsanayaan dambiyadii Kulmiye ka galay Bulshada ee Ixtiraami waayay Ugaaskeenna & Haldoorkeenna, codka reer Boorame waa in uu aadaa dhinaca Isbaddel doonka” Xildhibaan Maxamed Abiib
Xisbiyada Mucaaradka ah iyo kan talada haya ee Kulmiye ayaa ku loolamaya deegaannada laga codeynayo ee Maamulka Somaliland, doorashada ayaa la filayaa in ay dhacdo 13ka Bisha soo socota Nofeembar 2024.