Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Ra’isul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan qorshe muhiim ah looga hadlay

      May 14, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025

      Masar oo sheegtay hadii bada cas la xero ay wajaheyso dhaqaale xumi baahsan

      May 14, 2025

      Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan kula yeeshayRiyaad ee Sucuudiga Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharac.

      May 14, 2025

      DEG DEG Mareykanka iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday iskaashi dhaqaale oo istiraatiiji ah

      May 13, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

      May 15, 2025

      DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

      May 15, 2025

      Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

      May 15, 2025

      Dowlada Hinyada oo kaso horjeesatay magac kabadlak gobalaka. Shunuhu muxuu Ka oran donaa

      May 14, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Xiisadda Somalia iyo Ethiopia: qorshaha Erdogan iyo Ruto ee Xasan iyo Abiy

    Xiisadda Somalia iyo Ethiopia: qorshaha Erdogan iyo Ruto ee Xasan iyo Abiy

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMarch 5, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo madaxweynaha Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya.

    Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac.

    Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada hadal-kala-gasho arrinka Itoobiya, sida uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin waxaa hadda muuqda suurtogalnimo wada-hadal labada dhinac ah sida ay muujinayaa xogaha laga helayo Nayroobi iyo Ankara.

    Qorshaha Madaxweynaha Kenya iyo dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

    Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa horey dhowr jeer ugu celisay in aysan wada hadal iyo dhexaadin la geli doonin Itoobiya inta ay ka noqoneyso is-afgaradka ay la gaartay Hargeysa.

    Hadalka dowladda waxa uu dabo-socday baaqyo caalami ah oo ka kala imaanayay beesha caalamka, Midowga Afrika iyo dalal kale oo qaarkood ku dhaliiyay Itoobiya is-afgaradka muranka dhaliyay.

    Raysal wasaaraha Itoobiya waxa uu isagu sheegay in uu dhowr jeer ka codsaday wada hadal iyo kulan madaxeynaha Soomaaliya, isaga oo usii maraya madaxweyneyaasha Jabuuti, Yugaandha iyo Kenya. Waxa uu tilmaamay inay Soomaaliya diiday dhammaan wada hadaladaas.

    Madaxweynaha Kenya oo ay toddobaadkii hore madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya ay marti ugu ahaayeen sababo kala duwan ayaa hadda wada dedaal dhexdhexaadin ah, sida lagu baahiyay wargeyska The East Afrika oo lagu daabaco Nairobi.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u yimid Nairobi ka qayb galka meertada lixaad ee Shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay, halka Abiy Axmed booqasho rasmi ah ayuu ku yimid dalka Kenya.

    Wargeyska The East Afrikan ayaa sheegay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu horkacaya dedaalada lagu doonaayo in la dejiyo xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu wargeysku intaas ku daray in la filaayo in Muqdisho iyo Addis-ba ay hoos u dhigaan luuqadda sirgaxan iyo hadalada warbaahinta laysu marinaayo.

    Kulankii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa lagasoo saaray warsaxaafadeed sheegay in ay tahay muhiim in la ixtiraamo madax-bannaanida dhuleed ee dalalka Afrika.

    Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda ee Soomaaliya Danjire Axmed Cawed ayaa ku tilmaamay war saxaafadeedka mid albaabka u furaya dhex-dhexaadinta ay Kenya wado islamarkaas na Itoobiya u furaya albaab ay uga baxdo xiriiriga dublumaasiyadeed.

    “Waxa uu gogol xaadh usii noqonayay waanwaanta Kenyanku ka wadeen Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhan, waxayna tibaaxayeen in ay Itoobiya ogoshahay in la ilaaliyo xuduudaha dalka Soomaaliya, dalka keliya ee qaranimadooda iyo xudoodkooda su’aal ka taagnayd Soomaaliya ayay ahayd,” ayuu yiri Danjire Cawed.

    Wargeysa The East African oo xiganaya Ilo diblumaasi ah ayaa sheegay in wada hadala oo bilowday ay sii socon doonaan uuna jiri doono kulan mustaqbalka dhow dhici doono, kaas oo laysku raaci doono meesha uu ka qabsoomaayo si’ay wadahadaladu usii socdaan.

    Kaalinta madaxweyne Erdogan ee dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

    Waxaa jiray dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonaayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada wadan, hase yeeshee midna ma midho dhallin – Soomaaliya oo xujadeedu noqotay sida keliya ee ay wada hadal ku aqbali kartaa in uu yahay in Itoobiya ka noqoto is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

    “Haddii aad wax tabanaysid, wax tabashadada waxaa lagu fuliyaa xoog ama hadal, marka hadda xoog ciidan aan abaabulayno oo aan Itoobiya qabsanayno muusan jirin, in aan dhahno wada hadli maynana diblumaasiyad fiican ma’aha – waxaase laga yaabaa in ay ahayd cadaadis ay dowladda Soomaaliya ku muujinaysay xanaaqeeda,” ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaayay muhiimadda ay leedahay in wadahadal Soomaali ka gasho tabashadeeda.

    Madaxweynaha ayaa markuu ka qayb galay shirkii Nairobi waxuu u duulay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya.

    Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo isna ku sugnaa Madasha ayaa warraysi uu siiyay Anadolu waxuu ku sheegay in Turkigu door muhiim ah ka ciyaari karo dhexdhexaadinta labada wadan isagoo xusay in Turkigu xidhiidh fiican la leeyahay Addis Ababa.

    “Turkigu waxuu ka ciyaari karaa kaalin fiican, [xiisadan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya], awood iyo saaxiibtinimo ay Itoobiya ku cadaadiyaana waa leeyahiin danno badana wayka dhexeeyaan labada wadan ee Turkiga iyo Itoobiya waana dalalka awoodda badan mid ciidan iyo mid dhaqaale, Turkiduna marna danta dadka turkiga ah uma dayacayso danta dal kale,” Axmed Ciise Cawad.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in heshiiska amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga uusan xiriir la lahayn khilaafka iyo xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, arrinkaas oo markii hore la la xiriiriyay heshiiskan oo baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen iyaga oo aan arkin oo aan akhrin.

    Isha: BBC

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo UbaX dhigay Taalada SYL.

    May 15, 2025

    DEG DEG Mudaharaad xoogan ayaa maanta ka dhacay Burco kaas oo lagaga soo horjeedo

    May 15, 2025

    Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ay u harsan tahay 12 bilood

    May 15, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.