In aad samaysid caawinta ugu badan yurub ma ahan mid fudud laakiin bixitaanka Lionel Messi ayaa laga yaabaa inay caqabada ka dhigto mid ka fudud sidii hore oo ay samayn karaan xiddigaha horyaalada ugu waaweyn yurub.
Ka bixitaankii Messi ee Paris Saint-Germain kuna biiray Inter Miami ee MLS waxay la macno tahay in xiddiga Argentina oo ka mid ahaa xiddigaha ugu fiicanta badan yurub 5-ta horyaal ee ugu waaweyn uuna ka mid ahayn tartanka.
Iyada oo uuna Messi ku jirin tartanka, xiddigaha De Bruyne & Griezmann ayaa ka mid ah xiddigaha u tartamaya caawiyaha ugu fiican 5-ta horyaal ee ugu waaweyn.
Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah waa ciyaaryahan kale oo caan ah oo leh rikoor caawineed oo aad u fiican.
Caawinta ayaa ah mid ka duwan goolasha sidaas darteed waxa laga yaabaa in aad aragtid xiddigo lama filaan ah xilli ciyaareedkan.
Xiddiga garabka uga ciyaara Bayern Munich ee Leroy Sane ayaa ah xiddiga ugu caawinta badan badna 5-ta horyaal ee ugu waaweyn isaga oo sameeyay 11 caawin.
Waxa ku xiga 4 xiddig oo kala ah Kieran Tripper, Ollie Watkins, Pascal Gross iyo Florian Wirtz kuwaas oo dhamaantood sameeyay 10 caawin ilaa haatan xilli ciyaareedka.